Tillaabo wanaagsan oo ay qaadday DF Somalia oo 2 qodob ka DHIMAN yihiin!

0

(Hadalsame) 31 Agoosto 2019 – Xukuumaddu sidaan oo kale ayay wareegto u soo saartaa maalmaha fasaxa guud oo ay ku jiraan ciiduhu, haddaan la hilmaamin.

Waa tallaabo fiican, oo la’aanteed fasaxaas lama heleen. Waxaa se fiicnaan lahayd in la sammeeyo labadan arrimood:

1 – In jadwal sannadle ah oo maalmaha fasaxa guud ah la diyaariyo, kaas oo lagu faafiyo bog ama hab kale oo rasmi ah, inta ay qusayso halkaas ayay kala socon lahaayeen.

2 – In fasaxyada la waafajiyo shuruucda dalka, oo loo helaa sharciyo waajibinaya in maalmahaan ay fasax noqdaan, laguna qoro wareegtooyinka iyo hababka kale ee wax lagu faafinayo.

Tan dambe waa muhiim, maxaa yeelay shirkadaha ganacsigu kuma faraxsanaan doonaan ama u hoggaansami doonaan in ay shaqaalaha fasaxaan, ayada oo uusan jirin sharci la wada ogyahay oo waajibinaya fasaxyadaas.

Waxaa Qoray: Yuusuf Sh. Ciise

Hadalsame Media