SOMALIA-KENYA: Waa kuwee dalalka Somalia uga hiilliyay Kenya?!!

0

(New York) 29 Agoosto 2019 – Golaha Amaanka Qaramadda Midoobay wuxuu maanta laaday qorshahii ay dowladda Kenya ku dooneeysay inay Soomaaliya ku curyaamiso dalkeeda iyo dadkeeda.

Dalalka diidmadda qayaxan ku dhawaaqay waxaa ka mid ah USA, France, Belgium, Germany, Poland iyo Kuwait. Meeshana ka saaray qodobkii 1267 ay u cuskaneeysay Soomaaliya.

Markii ay Kenya u gudbisay Qaramadda Midoobay qodobka 1267, waxaa markiiba ka hor yimid siyaasiyiin, safiiro iyo rug cadaa u dhashay dalka Mareeykanka oo dowladooda uga digay hadeey qodobkaasi meel maro inay dhib badan la kulmi doonaan shacabka Soomaaliyeed oo In mudo ku jiray dagaal sokeeya, waxayna sheegeen haduu qodobkaasi meel maro inay dhibku noqdo doonto nabad ka dhalata Geeska Afrika.

Waxaan halkaan ugu mahadcelinayaa walaalkeey, safiirkeena UN Mission Hon. Ambassador Abukar Osman Balle iyo guud ahaan dowladda Soomaaliya uu hogaaminaayo Mudane Madaxwayne Mohamed Abdulaahi Farmaajo iyo PM Hassan Khayre.

Si kastoo aan siyaasadda dalka ugu kala fikir duwanahay, hadana waxaa khasab ah in marka ay timaado difaaca dalka inaan u midoowno. Waxaan Ilaah ugu baryeeynaa inuu barakeeyo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Waxaa Diyaariyay: Sheekh Nuur A Qaasim

FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qofka ku saxiixan

Hadalsame Media