War cusub oo kasoo yeeraya Dhuusamareeb (Muxuu ku dhamaaday shirkii DF & Ahlusunna?)

0

(Dhuusamareeb) 29 Agoosto 2019 – Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xal buuxa haatan laga gaaray ”dooddii” u dhaxeeysay DF Somalia iyo Hoggaanka Ahlusuna, kaddib wada hadalo aan loo kala kicin oo ilaa xalaytoole ka socday magaalada Dhuusamareeb.

Wada hadalladan ayaa lagu turxaan bixiyay tabashadii kooxda Ahlusunna, oo laftooda xalay fiidkii yeeshay kulan dhexdooda ah oo ay ku saarayeen madmadoow iyaga soo kala dhex galay, iyagoo u qaybsanaa Guddoomiyaha Guud Ahlusuna Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir oo dhinac ahaa iyo C/risaaq Al-Ashcari oo ku qancay dadaallada DF iyo in la dhiso maamul cusub.

Kaddib kulanka Hoggaanka Ahlusuna ayaa waxaa qabsoomay kulan kale oo u dhaxeeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Somalia Cabdi Maxamed Sabriye iyo madaxda Ahlusuna, waxaana kulankaasi kusoo dhamaaday is faham, sida ay wararku nagu soo gaarayaan.

Hoggaanka Ahlusuna ayaa u sheegay Wasiirka inay ka ”dawoobeen wixii tabasho ay qabeen, isla markaana wixii hadda ka dambeeya raalli ka yihiin” howlaha dowladda Federaalka ah ay ka wado Dhuusamareeb ee ku aadan dhismaha Maamulka Galmudug, taasoo meesha ka saaraysa shuushkii ka dhashay War Saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Sheekh Maxamed Shaakir ayaa lagu sheegay in DF Somalia ”ay ka baxday” heshiiskii ay la gashay Ahlusuna, iyadoo ay DF oo gar naqsanaysa ay warkaa beenisey.

Waxaa iminka la dhowrayaa War Saxaafadeed ay dhici karto inay arrintan kasoo saarto Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo ku dhawaaqaysa in la xalliyay shuushkii yaraa ee jirey, iyo inuu halkiisa kasii soconayo shirka dib u heshiisiinta ee lagu dhisayo Maamul loo dhan yahay oo ay yeelato Galmudug.

Hadalsame Media