DAAWO: ”Waa kaas heshiiskii aan wada galnay!” – DF Somalia oo u GAR-NAQSATAY Ahlu Sunna (Yaa gar daran?)

0

(Dhuusamareeb) 28 Agoosto 2019 – DF Somalia ayaa u gar-naqsatay kooxda Ahlu Sunna oo sheegay inay dowladdu jebisey heshiiskii ay iyagu la gaareen.

Yeelkeede, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa soo bandhigay tibxaha uu ka kooban yahay heshiiska dhexmaray DF Somalia iyo kooxda Ahlu Sunna oo ka kooban 10 qodob, kuwaasoo ay Ahlu Sunna ku doodayso in ”la jebiyay ama la dhinac maray!”

Heshiiska ayaa waxaa ka mid ah in la isku daro ciidamada DF iyo kuwa Ahlu Sunna isla markaana ay iska kaashadaan amaanka magaalada Dhuusamareeb oo ah xarunta Galmudug, kuwaasoo lagu adeejiyay 400 oo askari oo isku dhaf ah oo ay DF bixinayso kharashkooda.

Waxaa kale oo ka mid ah in ciidamada la isku dhafay ay isku xaq iyo agab noqdaan, wax kastana si siman loo wadaajiyo iyagoo wada ah ciidamo dowladeed, sidoo kale in ay magaalada ka howlgalaan ciidamada qalabka sida noocdayooda kala geddisan sida Millateriga, Booliiska iyo kuwa gaarka u tababaran ee Danab Brigade.

Halkan hoose ka daawo qodobbada heshiiska ee ay DF ku garnaqsanayso:

Hadalsame Media