DHUUSAMAREEB: “Hannoo imaan!” – Maxaa dhexmaray RW Khayrre & Macallinka?!

0

(Dhuusamareeb) 28 Agoosto 2019 – Waxaa Goor dhow soo Idlaadey Kulan uu Bulshada kula Hadlayay Wasiirka Arimaha Guddaha XFS Cabdi Maxamed Sabriye oo Wasiirku uu ku Faah faahiyay qodobadii Dowlada iyo Ahlusunna ay kuwada Heshiiyeen gaar ahaan kuwa Ka fulay dhanka Dowlada iyo waxa Dhiman

Wasiirka ayaa sheegay in 9 Qodob uu ahaa Heshiiskii ahlusunna iyo Dowlada kuwaa oo iskusoo Xoorintoodu tahay Ciidamada iyo Awood Qaybsiga sida Qarameynta Ciidamada , Bixinta Mushaaraadka iyo Gunada, Dalacsiinta Saraakiisha, Qalabeynta Ciidanka, Tababarka iyo kordhinta Aqoonta Saraakiisha sidoo Kale wasiirka ayaa xusey in Dhamaan qodobadaa dowladu ay fulisay marka laga Reebo hal qodob oo wali aan la Gaarin sida uu sheegay balse uusan carab baabin

Wasiir sabriye ayaa Yiri ” Waxaan u Tagey Macalinka waxaan ka Qornay Tabashada uu Qabo anigoo u Gudbiyey Raysulwasaaraha kadibna waxa uu Raysulwasaaruhu ka Garaabey Cabashadaas isagoo Sheegey in uu dag dag ku imaanayo balse uu codsadey inaan taleefanka ugu Geeyo si uu ula hadlo macalinka lkn markaan u Tagey ayow macalinku igu yiri Lama hadlayo Mana imaan karo Raysulwasaaraha ”

Wasiirka ayaa intaa ku darey in uu Waydiiyey waxa uu macalinku doonayo oo macalinkuna ku Jawaabey ” Dadkaan inagaa Matalna oo Wax nalaga Waydiinayaa sidoo kale macalinka ayaa intaa ku darey in uu Diidan yahay Saraakiisha dowlada si dag dag ahna ay uga baxaan magaalada

Hadalka wasiirka ayaa xambaarsanaa micnaha Dhabta ah ee sida wax ku socdaan iyadoo bulshada Madasha ka qayb gashey aad ugu Dhag taagayeen Ogaanshaga Dhanka dowlada maadaama ahlusunna dhankeedu cadeysay in Heshiiskii “Buray.”

Kadib kulanka ayay dad badani Is waydiinayeen sida ay muhiimka u ahaan laheyd in ahlusunna iyaguna dhankooda ku dhiiradaan in ay qaataan Madal nuucaan ah ayna cadeeyaan waxa lagu heshiiyay iyo micnaha dhabtaa ee qodobada looga baxey ama ay tabashada ka qabaan

Waa ka cudur daaranayaa in muuqaalka ay duubtay hal kaamiro balse waan idinla wadaagi doonnaa si aad uga bogataan.

Waxaa Diyaariyay: Cabdullaahi Warsame Rooble

Hadalsame Media