DHEGEYSO: Siyaasi Soomaali ah oo dowladda Sweden kala hadlay arrin dhib ku haysa dhallinyaro Soomaaliyi ku jirto + Warar kale

0

(Stockholm) 28 Agoosto 2019 – Laba haween ah ayaa muddo gaaban gudohood toogasho lagu diley dalka Sweden, iyadoo da’da 30-ka ku jirta lagu khaarajiyay Malmö, halka Gabar 18 jir ah iyana xalay lagu toogtay xaafadda Vällingby oo dhacda waqooyi galbeed Stockholm, iyadoo aan illaa iminka cid loo qabanin falkaa dambe.

Wasiir Gudeedka Sweden ee Mikael Damberg (S) ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay dhacdooyinkan oo sida uu yiri u qaab iyo heer eg kuwii 90-meeyadii.

Wasiir Damberg ayaa maanta gelinka dambe tegaya magaalada Landskrona, oo xagaagan ay qaraxyo dhowr ihi ka dheceen, isagoo sheegay in ay iminka asaasi tahay in la xoojiyo Booliiska Sweden.

……………………………………………………………

Maxamed Nuur, oo ka tirsan xisbiga Socialdemokraterna ayaa kulan uu shalayto la qaatay Wasiirka Gudeedka Sweden Mikael Damberg, u gudbiyay fikir salka ku haya sidii loo abuuri lahaa qorshe lagu caawinayo dhallinyarada dembiyada faraha kula jira balse doonaya inay dadaalaan oo ay noloshooda wax ka bedelaan iyo qaabkii hab ka wanaagsan loogu qaabili lahaa, sida uu ku sheegay Nuur oo wareeysi siiyay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda Sweden.

……………………………………………………………

Greta Thunberg oo ah gayfane cimilada u dhaqdhaqaaqda oo Swedish ah ayaa haatan gaartey magaalada New York ee woqooyi bari Maraykanka, iyadoo dooni laba todobaad gooshaysey uga tallowday Badwaynta Atlaantigga, waxaa lagu wadaa in soo dhowayn diirran loogu sameeyo xaafadda caanka ah ee Manhattan.

Thunberg ayaa 15 maalmood kahor ka shiraacatay xeebaha Ingiriiska, iyadoo kaddib safar dhex gooshayay moowjado kacsan iyo dabaylo halis ah ay iyada, dadkii la socdey iyo doonida Malizia II ay iminka ugu dambayntii ku xirteen xeebaha magaalada New York, gaar ahaan khoorka koonfurta Brooklyn.

 

Hadalsame Media