DHEGEYSO: Siyaasiyad dayaacad cunsuriyadeed Soomaalida ka faafisay oo laga erey xisbigeedii

0

(Stockholm) 28 Agoosto 2019 – Xisbiga Vänsterpartiet ayaa qaaday tallaabo xisbiga looga saareyo Amineh Kakabaveh. Middaasina oo lagu macneeyey iney marar badan si joogto ah dhaawacyo ugu geeysato aaminaadda ay bulshadu u hayso xisbiga iyo siyaasiyiinta xisbiga kula jirta, sida uu dhowaantan shir jaraa’id ku sheegay xoghayaha xisbiga Vänsterpartiet Aron Etzler. Halkan ka dhegeyso cabashada Soomaalida.

Shirka jaraa’id ee uu xisbigu qabtay ayaa lagu sheegay inuu guddiga fulinta ee xisbigu go’aansaday in xubinnimada xisbiga laga saaro xildhibaanad xisbiga u metesha baarlamanka, Amineh Kakabaveh. Kakabaveh waxay u taagan tahay siyaasad aanu xisbigu aqbali karin.

– Amineh waxay muddo sanooyin ah ku hadleeysay warar aan xaqiiq ahayn, tusaale ahaan in badankood xisbiyada xubnaha ku leh baarlamanka ey taabacsan yihiin in dalkan lagu qaabilo dhammaan qaxootiga. sida uu sheegay Aron Etzler, xoghayaha xisbiga Vänsterpartiet mar uu shirka jaraa’id ka hadlayay.

Etzler ayaa shirka jaraa’id ku sheegay in xildhibaanadda xisbiga laga saarey ay sheegtay waxyaabo ey ka mid yihiin in xaafadaha iswiidhishka qaarkood ey ka taliyaan maamullo islaamiyiin ah.

– Iney xaafadaha danyarta ee duleedka magaalooyinka ka aasaasmeen buqcado muslimiini ka talyiyaan iyo in ciddii dhaleeceeysaa ay tahay islaam xag jir ah, sida uu sheegay.

Etzler wuxuu sidoo kale sheegay in Kakabaveh ku baaqdo fikirka in iskuullada dhammaan laga mamnuuco astaamaha diiniyanka ah, waana arrin xisbiga Vänsterpartiet aanu weligii aqbalin, sidoo kale inta aan ogsoonahey aanu xisbi kale ee dalkan ka jiraana qaadan.

– Waxa ay faafisaa warar xaqiiqda ka fog – fejk news, iyo sawir aan dhab ahayn oo ay ka faafiso xisbiga Vänsterpartiet.

Waxyaabaha kale ee xisbigu ku dhaleeceeyay Kakabaveh ayey ka mid ahaayeen inay aad u adkaatay wada shaqeeyntii xisbiga iyo xildhibaanadda, in aanay la hadal guddoomiyaha xildhibaannada xisbiga ee baarlamanka, aanay ka qayb qaadan howlaha xildhibaannada xisbiga, isla markaana salaasa walba oo ey kulan isugu yimaadaan ay jirro isku qorto,  aanay bixin gunnadii xisbiga ee xildhibaannada iyadoo welibana dhaleeceeysa xubnaha xisbiga kuna sheegtay dad un danahooda u jeeda, sida uu sheegay Aron Etzler, xoghaya xisbiga Vänsterpartiet.

Iminkana cawaaqibtii falalkaa ayaa la gaarey, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale wareeysi ay laanta wararka Ekot kula yeelatay khadka telefoonka Amineh Kakabaveh ayay ku sheegtay in aan horay loola socodsiin go’aanka xisbiga, isla markaana ay dhowaantan farriinta sms-ka kaga heshay xoghayaha xisbiga iyo inuu telefoon ku baadi goobay, hase yeeshee u suurtageli wayday, waana mid laga been abuurtay, sida ay sheegtay Amineh Kakabaveh.

Iyadoo hadalkeedii sii wadana sheegtay in aanay wax akhbaar ah ka hayan sababta xisbiga looga saarayo, islamarkaana aanay jirin cid kala hadashay middaa. Waxaanse keliyoon ogahay in la igula dagaalamay halganka aan ugu jiro xuquuqda iyo sinnaanta haweenka, sida ay sheegtay Amineh Kakabaveh.

Hadalsame Media