Baro QIIMAHA ay kugu fadhiso kayma roobaadka AMAZON ee holcaysa!! (Somalia maku taal dhirtani?)

0

(Hadalsame) 28 Agoosto 2019 – Keyma roobaadka Amazon waxey ku yaallaan qaarada Koonfurta qaaradda Ameerika waxayna daboolaan 5,500,000 km² oo jibbaaran. Waa kayma roobaadka kulaalaha (Tropical rainforest) ee ugu baaxadda wayn caalamka.

Brazil waa dalka ay dhacaan 60% kaymahani, Peru 13%, Colombia waa 10%, halka dalalka kale ay dhacaan qaybo aad u yar. Guud ahaan waxaa jira ilaa 9 waddan oo ay maraan keymahaan waana; Brazil, Peru, Colombia, Venezuela, Ecuador, Bolivia, Guyana, Suriname iyo French Guiana.

Keymahaan ayaa la qiyaasaa in ay jiraan ugu yaraan 55 milyan oo sano. Kaymahani waxaa dhaxmara webiga Amazon oo ah wabiga ugu ballaaran caalamka, ahna webiga ugu biyaha badan dunida. Sidoo kale waa webiga labaad ee ugu dheer dunida.

Goobtaan leh quruxda dabiiciga ah oo aadka u sarreeysa ayaa mararka qaar lagu magacaabaa sanbabada dhulka (the lungs of the earth), maxaa yeelay waxay soo saartaa in kabadan 20% ogsijiinta caalamka, taasoo asaasi u ah noole kasta oo neefsada, kaymaha kale ee baxaalligan lihi waxay ku yaallaan Afrika.

Kaymahan waxa ku yaal in ka badan 40 kun oo nooc oo dhir ah, guud ahaan geedaha ku yaal waa 390-bilyan oo geed, kuwaaso u qaybsan 40-kun oo nooc. 1,300 oo nooc oo shimbiro ah, 3,000 oo nooc oo kalluun ah, 430 nooc oo caanaleey ah, iyo in kabadan 2.5milyan oo cayayaan ah.  Haddii ay keymaha Amazon waddan ahaan lahaayeen waxay noqon lahaayen wadanka 9-aad ugu weyn caalamka.

Toucan waa xayawaanka ugu codka dheer ee ku nool keymaha Amazon, codkiisa waxaa laga maqli karaa ugu yaraan 1 km. Keymahaan ayaa intooda badan ku fadhiya biyo-baxada Amazon (Amazon basin).

25% dhamaan daawooyinka dunidu waxey ka yimaadaan dhirtaan, balse arinka cajiibka ah ayaa wuxuu yahay in kaliya ilaa iyo hada la tijaabiyay 1% oo qura geedaha iyo dhirta ku taalla Amazon.

Keymaha Amazon waxay ka kooban yihiin in ka badan 3,000 oo miro, laakiin kaliya 200 oo ka mid ah ayay dunida caafimaadku isticmaaleen. In ka badan 40% cuntada aduunyadu waxay asal ahaan ka timaadaa keymahaan. Halkii hegtar (hectare) oo ka mida keyntaan waxaa ku yaal in ka badan 750 nuuc oo geed iyo 1,500 oo nooc oo dhirta ka mid ah.

FG: Dalkeenna Somalia gobollada leh kayma roobaadka waa labada Jubba oo haatan si wayn dhuxul looga shido iyo in yar oo laga heli karo meelo ka tirsan gobolka Sanaag ee woqooyiga dalka, iyadoo ay soo martay qorshe xumo baahsan xitaa xilligii dowladnimada.

Waxaa Diyaariyay: Cumar Maxamuud Amoore

Hadalsame Media