NASIIB DARRO: Ma aaminaysid xiriirka ka dhexeeya haweenayda dusha saaran & kuwa shirka harsanaya!

0

(Hadalsame) 28 Agoosto 2019 – Sawirkaan waxa qaadey nin Katirsan Ciidanka Booliiska ah wuxuu yiri ” Waxaan layaabey qof dumar ah oo da’weyn oo gaari xaajiyada xaga danbe saaran oo aad u daalan oo diifi ka muuqato, ka dibna xaga hore baan eegey waxa gaariga darawal ka ah Nin Dhalinyaro ah. Kursiga dareewalka ku xigana waxaa saaran Gabar Dhalinyarad ah kuraasta danbena waaxa saaran carruur yar yar!

Ninkii Booliiska ahaa baa dabagal ku sameeyey waxaa uu markii dambe ogaadey islaanta gaarigaan xaga danbe uu saarey darawalka inay tahay HOOYADIIS, halka Kuwa gudaha gaariga ku jiraanna ay yihiin Xaaskiisa iyo Caruurtiisa. Sawirkaan ayaa aad ugu Faafey Baraha Bulshadda, falcelin murugo badan ayaa laga bixiyey!

Hooyadii 9 ka bilood caloosha kusoo waddey dhashey, barbaarisey korisey waxbartey ayuu sidaan uga dhigey abaalkeeda! Dhalinyaro badan ayaan arkey hooyadood guri marooyin lagu sameeyey degan miisna yar oo ay ninaca iyo shukulaatada iyo oomadda ay ku iibiso wadada laamiga horteeda oo Gabdhihii ay bartaanba Habeenkii u kaxeeya Outing kadibna Iphone nooca ugu dambeeya u iibiya hooyadiina kama warhaayo. Wlh Billaahi Ruuxii aanan waalidkii ka duceysan siiba hooyo inuusan jannada galeynin.

Nin aanan hooyaddii jecleen ka sheekeyneynin daneyneynin yuusan mustaqbal kaagelin, ogsoonoow caasi waalideenayaal uun ayaad u dhaleysaa/ kadhaleysaa waa kuwii beri ku dili lahaa ileen waa cuqubo 10 fac ayay soconeysaa muxuu taraa nin/gabar caasi-waalideyn ah?

Waan ooyey wallaahi markaan arkey sawirkaan. Sawirkaan si daran ayaan ugu murgey
Hooyo in sidaan loola dhaqmo ma istaahisho Wallaahi.

Gacalooy Gabdho badan oo baariyayaal ah ayaan ku duceystey wiil waa xaasid allow caruurta baari nooga dhig. Waxa Tahay Qeybta Ugu Qurxoon Nolosheyda Hooyo. Nafteyda iyo Caruurteyda iyo Maalkeyga iyo waxa dunida saaran yaalla ayaan kaa jeclahay hooyooy.

Haddii sajuudda Illaah kasakoow banaanaan leheed in qof loo sajuudo, adigaa kuu sajuudi lahaa umaa’iyeey.

Waan kujeclahay jaceyl aanan dhamaad leheen. Waan kujeclahay jaceyl aanan is dhimeynin. Waan kujeclahay jaceyl aanan lamid aheyn jaceeladda kala duwan kana sarreeya kana awood badan Hooyoy.

Hantida igu qaalisan ee duniddaan ii yaala waa hooyadey nafteyda iyo abubakar xassan iyo wax walba aan heysto adigaan kaajeclahay dunidda wax yaalana kaama xasdo allow cimrigeeda ii dheeree iyada iyo dhammaan hooyooyinka muslimiinta.

Waxaa Diyaariyay: Xasan Abdulqaadir Aadan (Jibbaar)

Hadalsame Media