WADKA AAN KA WEECIYO!! (DHACDO DHAB AH)

0

(Hadalsame) 27 Agoosto 2019 – Waa habeen gudcur ah. Ma jiro iftiin aan aheyn xiddigaha cirka ku shaqlan. Meeshu waa duur, jid bacaad ah baa dhex mara oo ay dhex-taagan yihiin iyagoo labo ah, halkaasna waxa ay ku sugayaan qof ay u muraadeen. Iyada iyo walaalkeed, meesha ay joogaan oo aaf ah darteed, baqdin baa haysa. Sida aalaaba dhacda, waxaa laga cabsanayaa dabley ka soo jeedda beesha kale ee dariska ah oo laga filan karay ugaarsi ku qotoma aano-qabiil iyo ujeeddooyin gurracan. Soo-jireen bey aheyd in leys dilo lana wada dego, oo waliba la xidido.

Qofkii ay sugayeen baa habsaamay, dabeyl baana jirta laamaha geedaha hadba dhinac u ciyaarsiineysa, laakiin si cad looguma jeedo, kaliya waxaa la maqlayaa laamaha xanfarku lulayo ee foorinaya. Xaabka geedaha hoos tuban ee qallalan baa isaguna bidbidaya, sanqar walba oo ay dheguhu maqlaan waxa ay beereysaa naxdin, waxaana la moodayaa qof gaatamaya jaantiisa. In cabbaar ah markii ay ku jactadeen meesha, ayaa waxa ay gabadhu aragtay hummaag aan la hubin cidda uu yahay.

“Ma nin baa? Mise waa qof dumar ah?” ayey is weydiineysaa, walaalkeedna waxa uu ku hadlayaa taleefan, balse waxa ay is-maqli la’yihiin ruuxii soo garaacay. “Yaa waaye? War maad hadashiin?” ayuu ku celcelinayaa. Gabadhii bey cabsidu ku korortay, nafteedana u walwali meyso ee walaalkeed bey u baqeysaa maaddaama xilliga colaadaha ragga uun la ugaarsado inta badan, laguna tookho “reer hebel nin baan ka soo dilnay.” Waliba waxaa la beegsadaa kuwa loo arko in ay haldoor iyo wiilhoog yihiin. Ha hubeysnaado ama yuusan hubeysnaan, waa isku mid, waligeedna sidaas bey xaaladdu aheyd. Isaguna (walaalkeed) wadno-kurkurkeeda war uma haayo oo wuu sii yar fogaanayaa si ay hagaag isugu maqlaan qofka soo wacay.

“Maxaa isku soo beegay wicitaankan iyo dadkan soo socda? Maxaase looga aamusan yahay walaalkey oo loola hadli la’yahay? Malaha waxa ay xaqiiqsanayaan in uu isaga yahay si ay u dilaan.” Su’aashii hor timaadaba jawaab ay la fiigto ayaa uga soo baxeysa, waa gabadhee. Naxdin baa soo siyaaratay. Hummaaggii ay inantu arkeysana waxa uu noqday labo ruux.

Wey dareentay ragna wey ahaayeen, waxaa uga soo hangaray haash ama sigaar. Markaasna, waxa ay sawiratay iyagoo rasaas oodda uga qaaday walaalkeed, in kasta oo aysan xaqiijinba in raggani hubeysan yihiin iyo in kale. Dhankii ina aabbeheed ayey u daboguryeysay. Jaakad-bireed in ay tahay waatan is moodday, abbooweheedna waxa uu wali ku mashquulsan yahay taleefoonkii. Lacalla haddii ay raggani rasaas furaan, waxa ay ku fekertay in ay rasaasta shafka u dhigato, si walaalkeed ugu badbaado, iyadana Allaa u maqan. Isaga oo ay ifka ku wayso, waxa ay ka door-biddey in ay iyadu ka horreyso. Lacalla, haddii lagala tashan lahaa waxyeello kasta, waa hubaal in ay nafteeda ku wareejin laheyd qaddar kasta, si uu walaalkeed baaqi iyo bad-qab ugu sii ahaado dunidan ballaaran.

Dhabarkeeda ayuu ku aaddan yahay, iyadoo isaga ka sii jeedda kuna sii jeedda ragga soo socda, ayey gacmeheeda u kala qaadday sidii shimbir baalasheeda fidsatay oo duuli rabta. Waxa ay gashan tahay xijaab weyn oo adag (kaaki ah). Habka ay gacmaha u raaricisey baa fasirayey oraah digniin ah, qofkii garaad lehna waxa uu ujeedka gabadha u fahmi lahaa “walaalkeey ha u soo dhawaanina, ka leexda. Ii dhaafa aniga walaalkey.” Mar kalena waxa ay noqon kartay: “aniga ha igu dhacaan wixii isaga ku dhici lahaa, anigu aan dhinto, isaguna (walaalkey) ha ii noolaado, waan ku qanacsanahay in aan nafteyda u huro.”

Sidii iyadoo ah baa waxaa soo garab-maray nimankii soo madoobaa. Gabadha walaalkeed shaki baa galay, cid kalena kama uusan shakin ee walaashiis ayuu ka yaabay qaabka ay ragga u fiirineyso, misana ay isaga xaggiisa ugu dhawaaneyso. Wey gudbeen raggii, weyna miriq-beeleen. “Maxaa kugu dhacay oo aad la anfariirsan tahay?” Ayey weydiintiisu aheyd. Waxa ay ugu war-celisay “raggan na ag maray ayaan moodayey in ay ku dilayaan, abboowe, anna waxaan is lahaa wax walboo abboowahaa ku dhici lahaa adigu isku dhig. Haa abbooowe, wax kale ma jirin.” Intaas kolkii ay tiriba, indhihiisa ayaa waxaa ka soo qubtay ilmo teelteel ah oo waayo badan ku keydsaneyd.

Walaaluhu isku nasiib ma aha. Horraantii toddobaadkan (Agoosto, 2017) kolkii leyla wadaagay dhacdadan, ayaan soo xusuustay mid kale oo aad u xanuun badan. Wiil dhallinyaro ah baa ku biirey ciidamada deegaanka. Ciidanku waxa ay dagaal nafhur ah kula jiraan mid ka mid ah ururrada ka soo horjeeda dowladda. In muddo ah ayey isaga iyo asxaabtiisu jaqda ku jireen, waa mar ay dhuumaaleystaan iyo mar ay dagaallamaan.

Wiilkan, waxa uu ka qeyb-gali jirey weerarro ku-dhufo oo ka-dhaqaaq ah. Diiwaanka kuwa aadka loo doonayo ayaa lagu daray. Maalin bey iska maqleen dhanka isgaarsiinta aabbihiis oo waayeel ah. “Maandhoow duco-qabe, cidda u kaalay.” ayaa uu ku yiri, wiilkii waxa uu ku jawaabay “Aabboow, walaashey inta ay joogto anigu ma imaan karo.” Walaashiis waxaa qaba nin xubin ka ah ururka ay dagaalka kula jiraan, waliba waa nin ka tirsan jabhad fariisin ku leh goob isla deegaanka ku taalla, xilligaasna waxa ay iyadu la joogtay reer aabbeheed, in ay wallac aheyd ayaa la sheegaa. Odaygii baa wiilkiisa ku yiri: “iyada aniga ayaa dhalay, adna waa aan ku dhalay, anaa ka amar sarreeya, gabar adiga kula dhalatayna kuma waxyeeleyso ee maandhoow ducadeyda qaado soona noqo.” In uu aabbihiis hadal kale ku celiyo ayaa u cuntami waysay wuuna yeelay, saacado dheer ka dib, isla habeenkii waxa uu u hoyaaday reerkoodii, isaga oo docda ku sita qori AK-47 ah.

Habeenkii in badan oo ka mid ah baa la is warsanayey, curad iyo aabbihiis wixii danaha reerkooda ah uun bey ka wada hadlaane, halkaas ayaa lagu kala warqaaday. Nabad iyo reynreyn ayaa lagu waabariistay. Subaxdii waxa uu qeyb ka ahaa tiro walaalo ah oo loo xilsaaray foofinta xoolo xereysnaa, iyo baadigoobka kuwo lumay oo aan habeenkaas soo hoyan amase aan la soo hoyn. Duhurkii mar ay tahay baa la qado-tagay. Markii ay qadeeyeen, ayuu wiilku waxa uu jiiftay geed aan guriga ka fogeyn oo harac qaboow, qorigiisiina barbarka ayuu dhigtay.

Kolkii ay indhihiisu is galeen ayaa gabadhii la dhalatay ee uu ka shakisanaa waxa ay kolay kala soo baxday taleefoon nooca ay Soomaalidu u taqaan niicle (Nokia) ah.

Waxa ay wacday ninkeedii oo ay ku tiri “Murtadkii waa joogaa. Waa jiifaa.” Kii gabadha qabay, waxa uu soo kaxeystay tiro ciidan ah, qofka uu duullaanka ku yahayna waa seeddigiis. Kooxda weerarka qaadeysa, kooda aan si aad ah u hubeysneyn, waxa uu sitay billaawe soofeysan oo labo baac aan ka yareyn. Wax aan saacad dhammeyn ka dib bey tageen gurigii reerka. Iyaga oo dhuumaaleysanaya ayey u gudbeen dhankii uu jiifay curadkii reerka, isaguna wali wuu hurdayaa. Afarta jiho ayey ka mareen iyaga oo saantiranaya.

Seeddigiis ayaa loo direy oo lagu yiri, “waajibkaaga gudo.” Isagoo taagtaagsanaya ayuu dul istaagay, durbana waxa uu haabtay qorigii seeddigiis. Qajaftiisa ayuu seeddigu ku kacay balse waxba ma uusan qaban karin, waxaa lagu diley qorigiisii, ku dhawaad hal qasnadna waa lagu faarujiyey. Halkaas ayuu ku dhintay. Walaashiisna markii ay rasaasta maqashay oo loo xaqiijiyey in walaalkeed la diley, halkii ay ka barooran laheyd, ama xitaa ay waxoogaa jixinjix ah u muujin laheyd, bey Alle weyneysay oo ay muujisay farxad aad u weyn.

Farxaddii hore dib noogu celi, ee walaaalnimo jaceylka. Dabcan, walaalo sidaas isu jecel, isuna dhowranaya qofkii arka ama maqla waa uu ilmeynayaa, in ay iyaguna isu muujiyaan naxariis iyo jaceyl, isuna ilmeeyaan xaq bey u leeyihiin. Wiilkii baa walaashiis laabta galiyey, kama uusan bixin, ilmaduna kama aysan joogsan illaa uu ka yimid qofkii ay muraadka ka lahaayeen. Markii ay soo dhameysteenna waxa ay soo laabteen iyaga oo garbaha iyo gacmaha is heysta.

Qalinkii: Ibraahim Cismaan Afrax

Hadalsame Media