KHAJIL CUDUR U QARSO: Dhibaato; haweenka Soomaaliyeed ee Sweden oo XISHOOD dartii u qarsada cudur HALIS ah!!

0

(Stockholm) 25 Agoosto 2019 – Xaafadaha ey ku badan yihiin ajaaniibta ayey haween ka tira yari tagaan baarista saamiga caafimaad (Screening) – baarista sidii horay loogu ogaan lahaa cudurka kansarka naasaha iyo ilmo galeenka, marka loo barbar dhigo tirada tagta xaafadaha ey iswiidhishku ku badan yihiin.

Haddaba iyada oo laga tallaabo qaadayo arrinkaa ayuu cusbitalka S:t Göran ee magaalada Stockholm ku tallaabsaday mashruuc siddeed luuqadood lagu wargelineyo sidii tiro haween ka badan ey xaafadahaasi qayb uga noqon lahaayeen saamiyada baarisyada caafimaad ee kansarka naasaha.
Helena Sundsten, waa horjoogaha mashruuca.

– Halka waxaa ka jira horjoog luuqadeed oo horseeda in aaney haween badan oo xaafadaha danyarta ku dhaqan uu ku adkaado sidii ey uga gudbi lahaayeen, oo xitaa haddii warbixinno afaf kala duwan laga heli karo 1177 aaney suurtagal u helin inuu soo gaaro, sida ay sheegtay mar ay wareeysi siisay laanta afka soomaaliga ee idaacadda Raadiyaha Sweden.

Intii lagu guda jirey sannadkii 2018 ayey tageen baaristii saamiga ee naasaha 61% haweenkii lagu casumey xaafadaha Kista, Skärholmen iyo Spånga – oo ey ku dhaqan yihiin ajaaniib badan. Halka ey xaafadaha Kungsholmen iyo Bromma, oo ey ajaaniibtu ku yar yihiin ka tageen 75%.

Si haddaba wargelinta kor loogu qaado ayuu cusbitalka S:t Göran ku tallaabsaday mashruuc loogu magac darey “Jag har något att berätta – war baan hayaa”, midkaasina oo ey qayb ka yihiin aflaan videowyo ah oo illaa iminka lagu tarjumey siddeed luuqadood oo kala duwan.

Aflaantaasina oo lagu heli karo baakado dadka loogu qeeybiyey xaafadaha ey ajaaniibtu ku badan yihiin, kuwaasina oo leh summado marka aad mobaaylka ku qabato uu ku soo saarayo cinwaan aad ka geli karto si aad aflaanta ugu daawato adiga oo ka dooranea luuqadda aad haddba xiiseeneeyso.

– Mid kale oo aannu ogaaney waxay tahay in waalidiin badan ey ilmahooda u isticmaalaan iney luuqadda iswiidhishka uga tarjubaan, tusaale ahaan kolka ey booqdaan goobaha daryeelka caafimaad, waana xaalad ku wanaagsanaan lahayd in ilmaha aaney la soo gudboonaan. Marka way wanaagsan tahay in waalidku ku helaan warbixintaa luuqaddooda hooyo.

Sidoo kale waxaa jira asbaabo kale oo looga baaqdo saamiga tijaabada ee leysku casumo. Ayaan Xasan oo ka soo jeedda laf ahaanteedu Soomaaliya, waxay baratay culuunta umulisooyinka. Shahaadadeedii Masterka ayay ku ku wareeysatay tobaneeyo haween ah oo kala duwan oo asal ahaan ka soo jeeda soomaaliya iyo sida ey u arkaan saamiga tjaabada dheecaanka ee dhuunta ilmo galeenka – moderhalscancer.

Ayaan Xasan ayaa sheegtay iney jiraan asbaabo kala duwan oo aaney haweenku u tegin kolka saamiyada tijaabada loogu yeero. Halka qaarkood ey aad u qiimeeyaan tijaabooyinkaa ayey qaarka kalena cabsi ka qaadaan iney tagaan goobaha lagu casumey. Iyadoona asbaabaha ugu caadisan ay ka mid tahay in laga cabsi qabo dhakhaatiirta oo oogada loo faydo, ama gabadhu ay gudan tahay oo ay ka walwal qabto inaanay suurtagal ahayn in la farafareeyo.

– Dabcan waxay ku xiran tahay nooca uu gudniinka fircoonigu yahay, haddii uu yahay midka tolliinka adag lagu xiray, markaa way ku adkaanaysaa in saamiga tijaabada laga qaado. Maadaama loo baahan yahay in tijaabo laga soo qaado afka ilmo galeenka. Hase yeeshee ma jirto dhibaato aan xal loo heli karin. Waana suurtagal in wax walba lagala tashan karo howlwadeennada umulisooyinka iyo habka ugu wanaagsan ee xal loogu heli karo.

Ayaan Xasan ayaa aaminsan inay muhiimad ku fadhido sidii loo heli lahaa in haweenku yimaadaan saamiyada tijaabada ee loogu yeero.

– Badanaa waxaa u dhibaatooda hablo iyo hooyooyin da’ yar oo ku jira bartamihii noloshooda. Waana wax aan loo baahnayn maadaama laga hor tegi karo cudurkan, sida ay ayaan Xasan hadalka u dhigtay, mar ay wareeysi siisay laanta afka soomaaliga ee idaacadda Raadiyaha Sweden.

Hadalsame Media