Moscow oo wacad ku martay inay ka JAWAABAYSO gantaalo mamnuuc ahaa oo uu Maraykanku tijaabiyay! (Muxuu Ruushku hayaa?!)

0

(Moscow) 25 Agoosto 2019 – Ruushka ayaa sheegay inaysan iska daawan doonin balse ay tillaabo la gudboon qaadayaan kaddib markii uu Maraykanku tijaabiyay gantaallo lagu mamnuucay heshiiskii INF.

Ruushanka oo aanu hadda kaddib xannibi doonin heshiiskii uu Maraykanku ka baxay ee Intermediate-Range Nuclear Forces Treaty (INF) ayaa diyaarinaya inuu isna tijaabiyo gantaalaha noocaas ah ee uu haysto, kaddib markii ay Washington dhowaantan tijaabisey nooc dhulka laga gano oo ah gantaalaha kuruuska ah ee Tomahawk.

MW Vladimir Putin ayaa sheegay in waloow aanu Ruushku doonaynin inuu hardan sida midkii Dagaalkii Qaboobaa ah la galo Maraykanka, uu misna ciidamadiisa farayo inay diyaariyaan jawaab rogaal ah.

Haddaba muxuu Ruushku hayaa, si uu uga hortago halistan soo baxday?

Viktor Murakhovsky, oo ah falanqeeye ciidan iyo sarkaal sare oo ka howlgabay Ciidamada Lugta, ayaa ka dhawaajiyay inuu Ruushku hayo kayd fara badan oo hub ah oo uu Ruushku meel iskaga dhigay ixtiraamka heshiiska INF Treaty, oo lagu mamnuucay adeegsiga iyo xitaa tijaabinta gantaalaha gaaraya masaafo dhan 500-1,000km (masaafada gaaban ilaa midda dhexe) iyo 1,000–5,500km (masaafada dhexe).

“[Hannaanka Ruuushku leeyahay] ee Iskander System, oo ay adeegsanayeen Guutooyinka gantaalaha ee Ciidamada Dhulka, waxaa caqabad ku ahaa heshiiska oo ku koobayay 500km – 480km, balse haatan oo xannibaadii meesha ka baxday ma jirto wax naaqishyada hubkeenna ka hor istaagaya inay soo nooleeyaan awooddooda tiknolojiyadeed,” ayuu Viktor u sheegay RT.

Muuqaal macmal ah oo laga sameeyay Gantaalaha Ruushanka ee 3M-54 Club-K Container Missile System. Daawo.

Gantaalka guuxiisa ka dheereeya ee Avangard oo la tijaabinayo. Daawo.

Hadalsame Media