Dhismaha jidka Muqdisho-Afgooye oo dar dar ku socda & arrin CEEB ku ah dadka Muqdisho oo aan kusoo aragnay + Sawirro

0

(Muqdisho) 25 Agoosto 2019 – Sidaan shalay qornay waxaa dar dar dib ugu bilowday dhismaha jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye oo qayb ka ah mashruuc ballaaran oo lagu dhisayo jidka Jowhar-Muqdisho-Afgooye, kaasoo ay maalgelisey Dowladda Qadar.

Waxaa is dhaaf dhaafaya gaadiidka qallaabiga ee iska rogaha loo yaqaanno, cagafyada iyo wiishashka ku howladdan dhismaha, qodista dhulka, qaadista iyo keenista carrada loo baahan yahay iyo midda meesha laga saarayo, iyadoo la doonayo in la dhiso jid laami ah oo casri ah oo laba saf oo cagsi ah leh oo uu midkiiba laba ka kooban yahay (two way street with two lanes each).

Waxaa gaadiidka Birta Culus dhex ordaya injinneerrada dhismaha iyo Geometry-ga oo iskugu jira Soomaali iyo Turki, kuwaasoo cabbiraya tillaabo kasta oo la qaadayo, waxaa dheer ciidamada cusub ee Booliiska ah ee uu Turkigu diyaariyay ee goobta la geeyay, sida aannu goobta kusoo aragnay.

Yeelkeede, waxaannu cadadkii shalay ku xusnay in qashin la dhigayo bartamaha isla jidkii uu dhismuhu ka socdey, waxaana saaka oo uu Hadalsame markale goobta tegey uu soo arkay qashinkii oo jidka dhexdiisa laga qaaday, balse la dhigay jidka dhiniciisa, goobtii loogu tala galay in laga dhiso cag-daaliska ama marshabiyeediya.

Arrintan ayaa weji gabax ku ah umadda meesha deggan iyo xitaa DF Somalia, gaar ahaan Maamulka Degmada dhismuhu ka soconayo iyo guud ahaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo xitaa shacabka Muqdisho.

Hadalsame Media