Wargaysa Ugandan ah oo ku faanay guusha Jen. Odawaa (Baro inta tababar ee uu qaatay)

0

(Kampala) 25 Agoosto 2019 – Wargayska The Ugandan ee kasoo baxa Kampala ayaa sheeko uu qoray wuxuu ku faanay in magacaabista Odawaa Yuusuf Raage oo loo magacaabay Abaanduulka Ciidamada Xoogga Dalka Somalia oo lagusoo tababaray dalka Uganda.

Warqaadka ayaa sheegay in Jen. Odawaa oo xilal kala duwan soo qabtay 22-kii bilood ee tegey uu yahay 32 jir dhashay 1987-kii, taasoo ka dhigaysa ninkii abid ugu da’da yaraa ee Abaanduul Ciidan dal noqda.

Jen. Odawaa oo 3-sano jir uun ahaa markii uu dhacayay xukunkii Siyaad Barre 1991-kii, ayaa ku dhashay Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee Somalia, isagoo 2002-2005 dugsiga sare uga baxay Muqdisho kaddibna ku biiray ciidamada 2007-dii.

Wuxuu Uganda ku qaatay tababar sanad ahaa oo ku aaddan ilaalinta madaxda sare (VIP), isagoo kaddib noqday macallin wax bara ardayda kale ee tababarka ku qaadanaysa isla Uganda.

Sanadii 2009, wuxuu tababar kale u aadey dalka Suudaan, sanad kaddib markii uu Muqdisho kusoo noqdayna wuxuu tababar kale oo aragti ah oo 45-cisho ahaa kaga qayb galay xerada Iskuulka Haama Dhowr ee Xamar.

Wuxuu markii dambe noqday Taliye Xigeenka Ilaalada Madaxtooyada Somalia, isagoo markii dambe Taliye u noqday isla qaybtaa 60-aad ee ilaalisa Madaxtooyada qaranka.

Wuxuu markale tababar loo arko midkii ugu sarreeyay ee uu qaato uu u aadey dalka Turkiga, isagoo 2014 kusoo laabtay Dugsiga Tababarka Turkiga ee Muqdisho oo uu joogey tan iyo 2016-kii, waana soo noqoshadiisii marka laga dhigayo Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada 2018.

Wargayska ayaa haddaba ku faanaya guushaa iyo disibliinkaas uu muujiyay Jen. Odawaa oo uu sheegayo inay ka bilaabatay xero ku taalla Uganada, taasoo muujinaysa buu leeyahay ”inay Uganda gacan ka gaysanayso nabad kusoo dabaalidda Afrika.”

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media