Kenya oo kaligeed taageertay ”doorashada la aamini karo” ee Jubbaland (War Saxaafadeed)

0

(Nairobi) 23 Agoosto 2019 – Dowladda Kenya ayaa si kal iyo laab ah usoo dhowaysey doorashada Jubbaland iyadoo u hambalysay garabka Axmed Madoobe oo olog dhow iyada kula ah danteeda.

Kenya ayaa sidoo kale sheegtay inay u hambalyaynayso Guddoonka Baarlamanka gobolka, xildhibaannada, odayaasha dhaqanka, diinta iyo bulshada rayidka oo agaasimey wax ay ku sheegtay ”doorasho la aamini karo.”

Waxaa War Saxaafadeedkan oo kasoo baxay Wasaarad Dibadeedka Kenya si af kala bax ah looga codsaday Maamulka Jubbaland ”inuu la shaqeeyo DF Somalia”, iyadoo ay Kenya sheegatay inay door laxaad leh ka qaadanayso wax ay ku tilmaantay ”nabad iyo xasillooni lagu soo dabbaalo guud ahaan gobolka.”

Marka laga reebo Kenya ma jiro dal ama urur kale oo soo dhoweeyay amaba soo hadal qaaday ”doorashada Jubbaland.”

DF Somalia oo shalay War Saxaafadeed rasmi ah soo saartay ayaa markii 3-aad ku celisey inaysan aqbalsanayn waxa lagu dhisay magaalada Kismaayo.

Hadalsame Media