DAAWO: ”Waxa Jubbaland ka dhacay waa sheeko uu ”JILLIINKU” ka xumaaday!” – Faarax Macallin oo ka hadlay waxa xigi kara

0

(Nairobi) 23 Agoosto 2019 – Waxaa shalay magaalada Kismaayo ka dhacday doorasho ay dhinacyo badani ku tilmaameen mid ”iimo miiran ah”, taasoo la sheegay in MW Jubbaland dib ”loogu doortay” Axmed Madoobe, waloow ay mid kale ka dhacday isla magaalada taasoo Xiddig loogu doortay MW kale.

Siyaasiga Faarax Macallin oo bilowgiiba ka midka ahaa dadka sida aadka ah u diiddanaa doorashadan ayaa wax laga waydiiyay sida uu u arko.

”Waxay ahayd doorasho jilliin ah oo khiyaali ku dhisan, balse aysan kasoo shaqaynin dad caqli badan.” ayuu yiri Faarax oo sheegay in Madoobe uu isagu is doortay, sidoo kale kuwa isaga ka hor jeeda.

Faarax Macallin ayaa la waydiiyay waxa xigi doona arrintan iyo sida looga gudbi karo?

”Dunidu maanta waxay u heellan tahay sidii Somalia loo nabadayn lahaa, mana aha jacayl ay Somalia u qabaan, balse waxay doonayaan tamar (khayraad) ku jira Somalia, waxaa lagu khasban yahay in shidaalka Somalia lasoo saaro, marka is doorashadani socon mayso.” ayuu raaciyay Faarax.

Halkan hoose ka dhegeyso…

Hadalsame Media