DAAWO: Nin gabar ay saaxiib ahaayeen diley kaddibna CUNAY oo maxkamad lasoo taagey!!!

0

(Jeffersonville) 23 Agoosto 2019 – Nin ku nool gobolka Indiana ayaa ku eedaysan inuu diley deedna cuntay gabar ay saaxiib ahaayeen — weliba meelaha uu cunay waxaa ugu horreeya wadneheedii iyo maskaxdeedii — isagoo deeto maydkeedii si xun u jarjaray maalmo yar uun kaddib markii ay u sheegtay inay ka dal doorsatay, sida ay dacwad oogayaashu sheegeen.

Joseph Oberhansley, 38-jir, ayaa dhalan rogey maydkii Tammy Jo Blanton, 46-jir, oo dhex yaalla doonta qubayska guri ku yaalla Jeffersonville, bishii Sebtember 2014 isagoo ku dhuftay 25 toorreey, in yar kaddib markii ay u sheegtay inuu amaan siiyo oo ay furayaashii ka bedelatey.

Dacwad oogaha Degmada Clark County, jaalle Jeremy Mull ayaa arrintan u sheegay garsoorayaasha Arbacadii markii dib loo furayay dacwdda Oberhansley, sida uu weriyay Louisville Courier-Journal.

“Joseph Oberhansley wuxuu u kawaanay Tammy Blanton si aan xitaa xoolaha loo qalin,” ayuu yiri Mull oo daba dhigay. “Balse haweenaydani sharaf bay ku dhimatay.”

Mull ayaa sheegay in Blanton ay musqusha isku soo xirtey, kahor intaanu Oberhansley albaabkiiba gudaha ku darbaynin ee aanu si xil leh u weerarin — hal todobaad uun kaddib markii uu guriga ku haystey isagoo bah’dilaya oo kufsanaya.

Oberhansley oo dacwaddiisa shalay markale loo fariistay ayaa haddii dembigani ku cadaado wuxuu wajahayaa xabsi daa’in aan cafis lahayn, iyadoo qarreennada ka doodaya ay ogolaadeen inaysan codsan toogasho, maadaama uu qarreenkiisu ogolaaday inuusan ku doodin inuu ninkani miyir ahaan qulban yahay.

Halkan hoose ka daawo…

Hadalsame Media