TALO WAA MUHIM: Sababta aysan marna sax u ahayn inay arrimeheenna galaangal u yeeshaan Kenya walaa Itoobiya!

0

(Hadalsame) 23 Agoosto 2019 – WAA IN LAYSKUGU YIMAADAA WATASHI BADBAADIN QARAN:

Siyaasadda dalka Soomaaliya ilaa ayka madax-banaanaato dowladaha deriska sida Ethopia iyo Kenya, waxaa hubaal ah inuu dalka Soomaaliya jiritaankiisa qaranimo uu ku sugan yahay muqdi.

YAA FURSADDA SIIYAY ETHOPIA IYO KENYA?

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed qaarkood waxaa qaranimada dalkooda kala wayn qabiilka uu ka dhashay iyo dantiisa gaarka ah, tani waxay fursad siisay Dowlaha deriska ee Ethopia iyo Kenya inay ku milmaan siyaasadda dalka Soomaaliya.

Dalalkaasi marnaba raalli kama ahayn dib u soo celinta qaranka Soomaaliya ayagoo ka baqaaya riyadii Soomaaliwayn inay dib u xoogeeysato tasoo dhibka ku ah xuduudadii uu gumeeystaha jeexay.

Arimahaan muragada leh awgood waxaa lagu qasban yahay in dhulkaan dadkii lahaa ay iskugu yimaadaan wadatashi si wax looga badalo foolxumada ka taagan dalkeena oo ay geessanayaan kuwa isku sheego siyaasiyiin ayka maran tahay sharaf iyo xishood.

Wa bilaahi towfiiq.

Waxaa Qoray: Sheekh Nuur A Qaasim

Hadalsame Media