Ma Axmed Madoobe ayaa Itoobiya neceb? (Arag jawaabta & kaalmaysiga DF ee Itoobiya…!!!)

0

(Hadalsame) 21 Agoosto 2019 – Waxaan qormadan yar ka sameeyay Md Axmed Madoobe iyo maamulka Jubbaland.

1. Laba mar oo hore ayaa iyada oo ay ka soo horjeedaan maamulladii fadaraalka ee markaa jiray ay u martay sidii uu sameeyay.

2. Nin Itoobiya neceb ma aha oo waa tii isaga oo dhaawac ah, inta ay Itoobiya dhaawac tiray boqolaalkii kale ee Soomaalida ahaa, isaga laga soocday diyaardna lagu qaatay, deedna la soo dayac tiray, kadibna uu Itoobiya ammaan kala dul dhacay oo uu ka soo saaray mid ceeb ka saliin ah.

3. Sheekha malaha waxaa ka hoos baxday in dowladdiisii Itoobiya ay dhacday oo ay dhalatay mid ka soo horjeedda wax alle wixii ay tii hore samaysay.

4. Dhawr kun oo askari oo ku taabacsan waxaa ku jabay Cabdi Maxamuud Cumar Ileey, maantana xabsi ugu jira, isaga oo waliba dadkiisii iyo dariskiisaba feentay.

5. Shariif Xasan iyo Xaaf iyagu ganacsato ayay ahaayeen, ganacsaduhuna wax kasta oo suurtagal ah ayuu sameeyaa si uu u caymiyo wixii uu cayman karo, waana midda keentay in ay xaraashteen wixii u xaraashmi karay, si aysan lafaha u khasaarin ribix waa halkiisee.

6. Kuwa Federaalka ah kaalmaysigooda Itoobiya ma aha mawqif sharaf leh, laakiin waxa ay rabaan in Axmed-madoobe iyo mashaariicda gadaal ka taagan ay meesha ka saaraan, wixii ka dambayn haka dambeeyee, taasi arrin dowladnimano ma aha. Axmed na hawl la’aan ma aha.

7. Meesha waxa ka socda waa rag is diriraya oo uu nin waliba isticmaalayo wixii uu hali karo iyo wixii uu haaban karo.

8. Wixii laga fursan karo lama gaarsiiyo meel aan laga soo qaban karin.

9. Inteenna badanna waxaa la inagu samaynayo ayaan kala taageernaa, ama aan iska fiirsanaa, ama aan ka sheekaynnaa innaga oo ka xun.

Waxaa Qoray: Dr Maxamed Xasan Nuur

Hadalsame Media