”Adiga unbaa iskala gurayee yaa ku kala garanaya!” – Sheeko dhab ah oo kala qabsatay askar Itoobiyaan ah & dhallinyaro Soomaali ah

0

(Hadalsame) 21 Agoosto 2019 – Ciidamada Itoobiya xiliyadii ay soo galeen soomaaliya gaar ahaana magaalada muqdisho ayaa waxaa dhacay mar in sarkaal ciidanka xabashida ka tirsan balse asal ahaan soomaali u dhashay oo taliye ka ahaa jidgooyo ama Isbaaro ku taalley xaafada Towfiiq ee magaalada Muqdisho ayaa goor subax ah waxuu diiday dadkii lugaynayay in ay gudbaan.

Dabeedna waxuu meel gaar ah ku ururiyay koox dhalinyaro Soomaali ah markaasuu waxuu ku yiri qofkii doonaya inuu gudbo halkan shan kun oo shilin ha keeno dhallinyaradii ayaa iyagoo faraxsan bay lacagtii deg deg u bixiyeen.

Sarkaalkii inta uu lacagtii isku baandheeyey oo isku qasay ayuu ku yiri: ”Qof kasta lacagtiisii ha ka xusho oo haka soo dhex saaro.” Waxa ay dhalinyaradii Soomaaliyeed yiraahdeen. ”Ma kala garan karno maxaa yeelay lacagta Soomaalidu waa wada kun shilin oo wada cas cas ama gaduudan!”

Sarkaalkii ciidanka Xabashida ka tirsanaa balse asal ahaan Soomaali u dhashay ayaa isagoo ciil la qamuunyeysan waxuu ku yiri. ”Sida lacagta Soomaalida aan loo kala garaneyn ayaysan Itoobiya u kala garaneyn dadka Soomaalida ah, dhamaantoodna in ay wada xasuuqdo oo dalkooda qabsato ayay jeceshahay ee taas ogaada doqon yahay!”

Dhacdadan oo aan kasoo xigtay qoraagii Cabdulqaadir Aroma Allaha u naxariistee waxaan uga socdaa waxaan ilaa shalay baraha bulshada ay ku kulanto ku arkayey dad soomaaliyeed oo la kala safan Itoobiya iyo Kenya oo ciidamo ay leeyihiin kuwada sugan yahiin Magaalada Kismaayo kuwaas oo in ay isku dhacaan ku sigtay Maalintii shalay.

Haddaba waxaan doonayaa inaan xasuusiyo dadkaa soomaaliyeed ee la kala safan kalana taageeraya Itoobiya iyo Kenya in labadaa wadan ay yahiin gumeysteyaal horey dhul iyo dad soomaaliyeed u haystay dhibaatooyin aad u baaxad weyna gaystay haatana doonaya in ay liqaan inta ka hartay soomaaliya.

Guud ahaan xaaladahan soo kordhay iyo sida wax u socdaan marka la qiimeeyo waxaa haboon Xukuumad iyo shacab ahaan in arimahan aad looga feejignaado iyadoo sideedaba ay khalad tahay in ciidamo shisheeye ah ay dhex dabaashaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya, gaar ahaan siyaasadda.

Ugu dambeyn Kenya iyo Itoobiya ayaa ka shaqeynaya oo doonaya in soomaaliya ay mar kale cagaheeda isku taagto soomaalidana kala jecel waxa ay ka dhigan tahay iyadoo la yiraahdo Yahuuda ayaa Falastiin la doonaysa dawlad, nabad,horumar iyo barwaaqo.

HURDAAYOOW HAR GALAY WEEYEE KA TOOS.

Waxaa Qoray: Cabdullaahi Nuur M Colombo

Hadalsame Media