DEG DEG: Kenya oo Jabuuti ka guulaysatey & wax wayn oo ay u dhibi karto Somalia

0

(Addis Abeba) 21 Agoosto 2019 – Ururka Midowga Afrika ayaa u hiilliyay musharraxnimada Kenya ee ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee QM oo ka kooban 15 dal oo ay 5 ka tirsani rigli yihiin.

Codayn ka dhacday xarunta ururka Midowga Afrika ee magaalada Addis-Ababa, ayay Kenya kaga badisay Jabuuti oo ay kursiga isku haysteen, waxayna kala heleen 37 iyo 13.

Kenya ayaa wareeggii 2-aad heshay codka Xubnaha Joogtada ah ee MA, ayaa kursigan doonaysa muddada u dhaxaysa Jannaayo 2021, ilaa Diseembar isla 2021, sida ay sheegtay Wasaarad Dibadeedka Kenya.

Welise ma dhowa oo Kenya ayaa bisha Juun ee 2020 u baahan inay hanato codadka Golaha Guud ee QM kuwaasoo dalkiiba laga rabo 2/3 ama saddex meelood laba meel, balse guusha ay haatan ka gaartey dhanka MA ayaa muujinaya inay guulaysan karto, waloow ay QM ku jiraan 200 oo dal, taasoo 28% ka mid ihi ay yihiin dalalka Afrika oo 54 dal gaaraya.

Arrintani wax wayn kama dhibayso muran badeedka ay sheegato inay kala dhexeeyso Somalia, maadaama ay dacwaddu hor taallo unug garsooreed caalami ah oo madax bannaan.

Yeelkeede, si kale ayay Somalia u saamayn kartaa, sababtoo ah Kenya ayaa riixaysa qaraarka 1267, kaasoo lagu doonayo in kooxda Al Shabaab lagu geliyo LIISKA MADOOW, balse sidoo kale Kenya u saamaxaya in Shabaab ku shaabbadayso cid kasta oo ay doonayso, taasoo ay ku fariisin karto ama kula wareegi karto hantida hay’ado badan oo Soomaali ah.

Hadalsame Media