Mudaharaad rasaas nool la adeegsanayo oo ka soconaya Laascaanood & sababta + Sawirro

0

(Laascaanood) 21 Agoosto 2019 – Rasaas xoogan oo noocyada gaadiidka iyo ta yaryarba isugu jirta ayaa ka dhacaysa magaalada Laacaanood xarunta gobolka Sool ka dib markii mudaharaad rabshado wata ay dadka magaaladu wadeen saacadihii la soo dhaafay.

Rabshadahan ayaa ka danbeeyey kaddib markii ciidanka boolisku dileen  Wiil dhalinyaro ah mudo haatan sadex maalmood laga joogo kaas oo  meydkiisii illaa haatan uu yaalo isbitaalka qoboojiyihiisa.

“Waxaan aragnay gaadiid ciidan oo wadada maraya anuu meheradayda ayaan ku jirey, waan sii eegey anoo shakisan, waxase ay markiiba bilaabeen rasaas xoogan oo ay dhinaca magaalada iga xigta ku furayaan, waxaana markiiba xidhay dukaankii, waxaana isku deyey inaan gurigaygii miciin bido wayse adkaatay oo dhinac walba dad yaacaya ayaa igaga yimi” sidaana waxaa HOL u sheegtay haweeney igaga hortimi jidka badhtanka magaalada mara.

Ma cada khasaaraha illaa haatan la og-yahay ee khasaare soo gaadhey walow  xidhiidhyo badan oo aan samaynay ay naloo sheegay in dhaacyo la geeyey  isbitaalada balse aan weli la cadayn maadaama ay weli socoto iska hor  imaadyada u dhexeeya dhalinyarada gadoodsan iyo ciidanka.

Dhinaca kale waxaa la sheegayaa in ay rabshadan baasiinka ku sii hurisay ka dib markii ninkale oo la sheegay in maxbuus ahaa oo dhaawac ciidanku soo gaadhsiiyeen uu u dhintay.

Wixii ka soo kordha iyo jawaabta ay masuuliyiinta gobolku ka bixiyaan dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa iyadoo waqtigan Hotel Casuura oo ku yaal waqooyiga Laascaanood kulan uga socdo ehelada ninkii ciidanku dileen iyo maamulka gobolka.

W. D: Seynab Cabdi Warsame, Laascaanood, Sool

E-mail: seynab@hiiraan.com

Hadalsame Media