Kenya oo markale ku xad-gudubtey QARANNIADAM Somalia (Warqad ay u dirtay QM oo la helay)

0

(Nairobi) 20 Agoosto 2019 – Wasaarad Dibadeedka Kenya ayaa soo qortay warqad gef ku ah qarannimada Somalia u dirtay QM, iyadoo Jubbaland uga sheekaynaysa sidii gobol iyada ka tirsan ama gumaysi ugu jira oo ay aayihiisa iyadu go’aamiso, ”maadaama ay deris la la tahay amaankiisuna muhim u yahay iyada.”

Waxay dood ka qabaan in xitaa ay gobolka ku heshiiyaan Soomaalida ay khuseeyso sida musharrixiinta doorashada Jubbaland, iyadoo dalbanaysa in QM ay iyaga kala tashato sida loo wadayo doorashada.

”Haatan wax kasta waxay marayaan marxaladdii ugu dambaysay, in saacadda ugu dambaysa la bedelaana waxaan keeni doontaa qalaanqal siyaasadeed oo uu gobolkaasi galo.” ayay si dhiirran u leedahay Kenya oo aan wax ixtiraam ah u muujinaynin Somalia.

Waxay Kenya sheegtay inay ”waajib tahay” in lagala tashado hab-raaca doorashada Jubbaland, iyadoo sheegtay in Safaaradda Itoobiya loo diray nuqul koobbi ah, balse aan iyaga waxba laga waydiinin.

Warqaddan oo ku socota xafiiska siyaasadda ee QM ee Muqdisho ayay Kenya carrabka ku ballaarisay inaysan aqbali doonin, wax aan ka ahayn inay wax u dhacaan sida ay iyadu doonayso ama danteedu ku jirto.

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa wax yaqyaqsi leh ku tilmaamay sida ay Kenya ula dhaqmayso dalka Somalia, halka guud ahaan ay khalad tahay qaabka ay Itoobiya iyo Kenya ugu hardamayaan gobolka Somalia oo ay dhul ka haystaan ka mid ah.

Hadalsame Media