Yuusuf Garaad oo jawaabey dood ka dhalatay qoraal uu ka sameeyay dad lagu diley Suuqa Bakaaraha

0

(Hadalsame) 19 Agoosto 2019 – Saaxiibbadeyda saxaafadda bulshada waxaan uga mahadcelinayaa sida ay aragtidooda oo xor ah iigu soo bandhigaan akhristayaasha kalena ay ula wadaagaan marka aan soo qoro mowduuc ku saabsan nolosheenna iyo maamulka Dowladnimo ee dalkeenna.

Waxaan kula wadaagayaa in aan akhriyay in ka badan kun iyo dheeraad ka mid ah jawaabaha laga bixiyay qoraal aan barteyda soo dhigay 17-kii bishan Agoosto, oo ku saabsan afar qof oo midi dumar tahay oo la yiri waa Shabaab oo lagu dilay Bakaaraha Jimcihii 16 Agoosto meydkoodana isla maalintaas daawasho loo soo dhigay waddada iyo baraha bulshada.

Akhrinta kun ka badan jawaabood waxaa ii dheereyd saaxiibbo dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba iga soo wacay oo booliis, madax dowladda ah iyo aragti qareen ay ka mid tahay iyo qaar fool-ka-fool iigala sheekeystay mowduuca.

Aad ayaan uga mahadcelinayaa qaddarinta, falcelinta iyo dareen wadaagga.

Waxaan qirayaa dadka ila soo xiriiray ee uu Shabaab ka dilay ehelkooda iyo kuwa dhaawaca jireed ama maskaxeed uu gaarsiiyay in aan la wadaagayo xanuunka.

Waxaan muujinayaa kuna faanaa in aan taageere u ahay ciidanka Soomaaliya noocyadiisa kala duwan. Waan dhiirri gelinayaa fal kasta oo sharciga waafaqsan oo ay qaadaan.

Aragtideyda

Waxaan qirayaa in dhaliil kasta oo talo aan soo jeediyay ay yeelato in aan anigu kaligeey leeyahay mas’uuliyaddeeda.

Intaa ka dib, waxaan caddeynayaa in aan qoraalkeygu ku saabsaneyn Shabaab.

Wuxuu ku saabsanaa awoodda sharciga ah ee dilka maaddaama uu boolisku ku shaqeeyo sharci. Taas oo ah waxa uu booliisku uga duwan yahay Shabaab.

Qoraalku wuxuu ku saabsanaayeen booliisku marka uu dilo qof aan Maxkamadi xukumin, in ay tahay in baaritaan la sameeyo oo la hubiyo in dilkaasi ahaa mid sharciga waafaqsan.

Bastoolad meyd dul saarani keligeed daliil uma aha sida ay wax u dheceen.

Bastooladda oo keliya ayaa raadraac dheer laga sameyn karaa si faham qoto dheer aan u helno. Marka nambarkeeda la akhriyo ayay tahay in laga baaro liiska hubka ciidanka Dowladda u diiwaan gashan. Haddii bastooladda laga helo liiska, hadde waa in la baaro sida ay u gashay gacanta Shabaab.

Haddii ay noqon weydo bastooladdu mid dalkeenna si sharci ah ku soo gashay oo aanay Dowladda u diiwaan gashanayn, iyada oo nooceeda iyo nambarkeeda ayaa laga ogaan karaa dalka sameeyay, ka dibna waxaa la heli karaa dalka laga iibiyay iyo goorta, xogtaasna ayaana wax badan furfuri karta.

Summadda ka sokow, qori kasta maraaryaha dhuuntiisu waa ay ka duwan tahay midka kale, sidaa darteed xabbadda ka dhacda fuuqeedu wuxuu caddeyn karaa qoriga ay ka dhacday marka la adeegsado farsamada ballistic.

Bastooladda haddii la soo qaado fuuqa xabbaddii ka dhacday, waxaa la ogaan karaa weerar kasta oo bastooladdaas loo adeegsaday haddii sidoo kale la hayo fuuqii weerarkaas.

Bastooladda waxaa kale oo laga heli karaa faraha qofkii ugu dambeeyay ee gacanta ku qabtay.

Xataa in qof ama koox ay qof kale bastoolad ku dili rabeen kuma filna in aan fahamno in ay Shabaab yihiin. Maaddaama Shabaab ay ka mid tahay kooxo badan oo dadka dila.

Marka baaritaanka ma ahan in la cabburiyo ee waa in la dhiirri geliyaa mar kasta oo dhimasho ay jirto si loo hubsado waxa dhacay, sababta, cidda geysatay, cidda hubeysay, cidda gacan ku siisay sida cidda qarisay, u fududeysay, dayacday mas’uuliyad iyo tan maalgelisay.

Askariga dilay waa in la hubiyaa in uu naftiisa daafacayay ama uu daafacayay nafta muwaaddin kale oo la dili rabay, si kale oo la gudboon oo suurta gal ahna aanay jirin marka la eego xaaladda uu markaa ku sugnaa.

Taasi waxay xoojineysaa kalsoonida uu shacabku ku qabo booliiska, waxayna kor u qaadeysaa wadashaqeynta labadooda oo aad muhiim ugu ah amniga.

Askariga qoriga sitaa ma ahan in uu keligiis qaato kaalinta xeer ilaaliyaha, Garsooraha iyo fuliyaha amarka Maxkamadda.

Qodobka saddexaad ee aan ka talo bixiyay wuxuu ahaa in marka uu booliisku fashiliyo shirqool dil ah, fashilintuna ay ahayd howlgal uu dad ku dhintay in la xafido magaca muwaaddinka la dili rabay.

Meyd Bannaan Yaalla

Arrin  aad iigu  muhiim ah waxay tahay in marka uu booliisku qof dilo, aan waddada la soo dhigin meydka iyada oo waxa ugu weyn oo la dhowrayaa ay yihiin in aan shacabku caadi ka dhigan dilka iyo meydadka, si aanuu qalbiga uga dugaagoobin.

Ma ahayn markii ugu horreysay ee ciidan Dowladeed uu meyd aan maro lagu dedin uu soo bandhigo isaga oo libin ka dhiganaya. Markaas oo sannado laga joogo sax ilama ahayn, haddana iiguma muuqato.

Meyd ama ka badan dariiqa yaalla waa wax la hubo in carruurta iyo inta calool nugul in ay sas ka qaadi karaan ay sannado la noolaadaan.

Inta aanan ka bixin, waxaan kula wadaagayaa sheeko gaaban.

Muddo hadda laga joogo in ka badan afartan sano ayaa iigu horreysay meyd aan soo dul joogsado araggiisa. Mar keliya ayaa iiga dambeysay oo ah Berbera 1990.

Waa jirtay mar la dilay nin Shabaab ah oo soo weeraray goob. Meydkiisana laga baqayay saacado in maro la dul saaro maaddaama uu gashanaa jaakada qaraxa oo aan weli qarxin. Laakiin kaa ma dul istaagin ee sheedda ayaan ka arkayay.

Waxay ahayd aniga oo arday ka ah Dugsi Hoose ee Buulo Burte. Baabuur ku gaddoomay meel aan magaalada ka fogeyn waxaa ku dhintay 12 ruux oo u socday magaalo aan ahayn Buulo Burte. Si meydka loo garto ayaa shacabka magaalada laga codsaday in ay tagaan Isbitaalka Ameerikaanka oo ay soo arkaan dadka dhintay bal in ay aqoonsadaan.

Ciidan iyo Shacab waxaa lagu yaacay isbitaalka….

Qol laba irdood leh, oo midna ay tahay gelid midina ay tahay bixid ayaa labada dhinac la dhigay meydadka.  Cagahooda ayaa isku soo jeeda oo aad dhex mareysaa si aad u aragto wajiga meydka oo kugu soo beegan.

Aniga iyo carruur kale oo iskuulka aan wada dhigan jirnay waxay noo ahayd “fursad” aan ku aragno meyd aan lagaa qarineyn.

Waxay ahayd maalintii iigu horreysay ee aan mayd aan maro iga xigin aan soo dul istaago. Waa Allah mahaddiis in hal mar oo keliya oo ah 1990 ay iiga dambeysay.

Laakiin argaggaxa aan ka qaaday maskaxdeyda saameyn ayuu ku yeeshay. Wajiyada qaar wali waa ay iga hor muuqdaan.

Waxaan kula wadaagayaa in ay ii ahayd cashar xagga fahamka ah oo ii kordhay.

Waxaa Qoray: Yuusuf Garaad

Hadalsame Media