Ciidamada Itoobiya & Kenya oo ku sigtay inay is rasaaseeyaan (Door ay dayacayaan DF iyo Jubbaland)

0

(Kismaayo) 19 Agoosto 2019 – Hardanka doorashada madaxtinnimada Jubbaland ayaa galabta weji kale yeelan gaarey kaddib markii ay Garoonka Dayuuradaha Kismaayo iskula dhici gaareen ciidamada Itoobiya iyo Kenya.

Ill ku dhow Garoonka Dayuuradaha Kismaayo ayaa sheegaya in garoonka laga celiyay Dayuurad Millateri oo ay leeyihiin Ciidanka Itoobiya, iyadoo ay arrintaa ku lug leeyihiin Ciidamada Kenya oo ay la socdaan kuwa Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in markii dayuuradda Itoobiyaanka la celiyay ay albaabka Garoonka difaac ka galeen Ciidamada Itoobiya ee halkaa joogey, taasoo xannibtey howlihii garoonka.

Arrintan ayaa muujinaysa weji kale oo ay yeelanayso loollanka doorashada Jubbaland, iyadoo ka dhigan in markii ugu horreeysey muddo 50 sano ka badan uu shaki ku jiro heshiiskii iskaashiga amaan ee Kenya iyo Itoobiya oo weligood heshiis ku ahaa lug gooyada Somalia.

Kenya ayaa doonaysa inuu soo laabto Axmed Madoobe oo diidey cadaadis uga yimi beesha Caalamka, halka Itoobiya oo iska dhigaysa nabad doonka gobolku ay la safan tahay DF Somalia.

Arrintan ayaa u baahan in ay hoggaan iyo bisayl la yimaadaan Madaxda DF Somalia iyo kuwa Jubbaland, si aanu gobolku ugu ekaan mid ay ku dirirsan yihiin laba dal oo shisheeye ah, taasoo dood gelinaysa madax bannaanida qaran ee Somalia.

Hadalsame Media