Laacib caan ah oo BUURNAAN darteed ku seegaya ciyaar-bilowga kooxdiisa (Waa kee?)

0

(Milano) 17 Agoosto 2019 – Laacibka weerarka ah ee Romelu Lukaku ayaa seegi kara kulanka 1-aad ee ay Serie A ciyaarayso kooxdiisa cusub ee Inter Milan, maadaama uu aad u cayilan yahay.

Sida ku qoran Corriere dello Sport, laacibka ayaa Manchester United ka yimid isagoo aan isku toosnayn jir ahaan, maadaama uu dhaawac ku seegay kulamadii xilli-horaadka.

Waxaa la sheegay inuu cufkiisu yahay 104kg, halka ay Nerazzurri doonayso inuu ka hoos maro 100kg, iyadoo uu laacibkan Belgian-ka ihi uu haatan tababar adag ku jiro.

Wuxuu sidoo kale qirtay in laga soomiyay waxa loo yaqaanno ”cunto-qashinka” isagoo mar wax laga waydiiyay ku gaabsaday: “Salad.”

Maadaama Mauro Icardi kooxda laga fariisiyay Dzeko-na laga quustay, waxay u badan tahay inuu weerarka hoggaamiyo 17-jirka Sebastiano Esposito oo uu wehlinayo Lautaro Martinez kulanka 1-aad ee ay Serie A ku wajahyaan Lecce. Laacibka yar ayaa wacdaro dhigayay xilli-horaadkii.

Hadalsame Media