DAAWO: ”Hadda Ilaah waa aaminsan ahay!” – Dayuurad siddey 233 qofood oo calool calool ugu dhacday beer galleey (Maxaa dhacay?)

0

(Moscow) 15 Agoosto 2019 – Dayuurad rakaab oo laga leeyahay Ruushka, Ural Airlines oo siddey 226 rakaab ah iyo 7 shaqaale ah ayaa calool calool ugu degtey beer galleey oo ku taalla meel aan ka fogayn caasimadda Moscow.

Dayuuraddan ayaa eersatay shimbiro raxan ah oo uga aruuray labada matoor oo markiiba gubsho bilaabay.

Dayuuraddan oo u socotey Simferopol, Crimea, ahna nooca Airbus A321 ayaa waxay mar qura soo dhex gashay raxan Boollo Boollo Badeed ah, kaddib markii ay ka duushay gegada Zhukovsky Airport, ee Moscow.

Dayuuradda oo aysan shaqaynayn taayarradii maadaama la damiyay matoorrada si aan dabku ugu faafin dayuuradda, ayaa waxay calool calool ugu degtey beer galleey ah oo 1 KM u jirta dhabbaha garoonka.

“Hadda Ilaah waa rumaysanahay, runtii.” ayay tiri haweenay rakaabka oo aan qofna waxba ka gaarin ka mid ahayd.

Arrintan ah shimbiraha gelaya matoorka dayuuradda ayaa naadir ah, iyagoo dhaca nus qarnigiiba mar sida uu sheegay nin dayuuradda u hadlay.

Waxaa kaliya dhaawacyo fudud qaba 23 rakaab ah oo ay carruuri ku jirto.

Hadalsame Media