DAAWO: Laacib Soomaali ah oo todobaadkan dhaliyay gool aad looga hadal hayo dalka Holland

0
EINDHOVEN, NETHERLANDS - AUGUST 12: (L-R) Abdulsamed Abdullahi of FC Den Bosch, Joel Piroe of PSV U23 during the Dutch Keuken Kampioen Divisie match between PSV U23 v FC Den Bosch at the De Herdgang on August 12, 2019 in Eindhoven Netherlands (Photo by Photo Prestige/Soccrates/Getty Images)

(s-Hertogenbosch) 15 Agoosto 2019 – Waxaa qurbaha kasoo baxaya laacibiin badan oo Soomaaliyeed oo inta badan u safta kooxaha heerarka 2-aad iyo wixii ka hooseeya.

Waloow aanu weli soo bixin laacib si wayn ugu aflaxey kubadda heerka sare, tiiyoo ay Soomaalidu tahay bulsho ka mid ah kuwa ugu kubad jecel caalamka, misna weli waxaa jirta rajo ku saabsan in la arki doono Messi iyo Ronaldo Soomaaliyeed.

Cabdisamad Cabdullaahi, waa ciyaaryahan Soomaaliyeed oo ka dheela heerka 2-aad ee Eerste Divisie ee Horyaalka Holland, isagoo u safta kooxda FC Den Bosch oo kaalinta 7-aad haatan ku jirta.

Cabdisamad ayaa dhaliyay dhaliyay goolka todobaadka oo iminka si wayn looga hadal hayo dalka Hollan oo idil.

Hadalsame Media