LIVERPOOL VS CHELSEA: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan

0

(Istanbul) 14 Agoosto 2019 – Kooxaha Liverpool iyo Chelsea ayaa caawa ku hardamaya koobka Uefa Super Cup jeer ay labada macallin ee Jurgen Klopp iyo Frank Lampard ay wajahayaan walaacyo dhaawac kulanka caawa ee Istanbul.

Dhanka Liverpool: Kooxda haysata Champions League ee Liverpool ayaa waxaa ka maqan Alisson Becker kaddib markii uu kubka ka dhaawacmay, kulankii ay 4-1 Jimcihii ku xaaqeen kooxda Norwich City. Naby Keita ayaan laga yaabin inuu kulankan ciyaaro isagoo wax u muuqday dhaawac muruq uga baxay xerada Vodafone Park ee tababarka.

Dhanka Chelsea: Lampard ayaa difaacey xulashada muluqyada Mason Mount iyo Tammy Abraham kulankii afarta loo dhiibey Axaddii.

Waxaase kulankan markale ka maqan N’Golo Kante oo Old Trafford dhaawac uga fadhiyay, welina aan faya qab buuxa ahayn.

SAFAFKA LAGA YAABO

Liverpool XI: Adrian, Alexander-Arnold, Gomez, Van Dijk, Robertson, Fabinho, Henderson, Oxlade-Chamberlain, Salah, Mane, Firmino.

Chelsea XI: Kepa, Azpilicueta, Zouma, Christensen, Emerson; Kovacic, Jorginho; Pedro, Mount, Barkley; Abraham.

Hadalsame Media