”Dad baa Shaydaanka xitaa u adeegi lahaa!” – Faarax Macallin oo qaab duurxul ah daba-dhilifnimo ugu eedeeyay Aadan Ducaale

0

(Nairobi) 14 Agoosto 2019 – Waxaa beryahan aad loo hadal hayay warar kasoo baxayay siyaasiga Soomaaliyeed ee Aadan Barre Ducaale, kaasoo si aanu abid u ololayn uga hadlaya wax ay Kenya ku sheegtay ”muran kala dhexeeya Somalia”, balse ay Soomaalidu dareensan tahay inay ku sheeganayso dhulkooda, maadaama ay dooddan bilowday 2009 uun.

”Xitaa markii ay Itoobiya wax ka samaysay Mooyaale, ama ay Uganda qaadatay jasiiradda Mgingo sidaa uma qaylin” ayuu yiri Cismaan Cabdi oo ka mid ah Soomaalida deggan Wajeer oo Hadalsame la hadlay.

Haatan, waxaa arrintaa si duurxul ah uga aragti dhiibtey siyaasiga ruug caddaaga ah ee Faarax Macallin, oo si caqliyaysan u duqeeyay siyaasadda uu ku shaqeeynayo Aadan Ducaale.

Wuxuu Twitter-ka kusoo qoray: ”Waxaan lahayn qoysas kasoo jeeda gobolkii Woqooyi Bari usoo adeegey Kenyatta 1, Moi, Kibaki iyo UhuRuto si daacad ah. Xitaa haddii uu Shaydaan uu noqonayo Madaxwayanaha waxay ugu adeegayaan si kal iyo laab ah.”

?

”Waxaa loogu yeeraa naf ilaashi (mabda’ maaha). U fiirso sida ay awood uga dhex doonaan dirirta Uhuru &Ruto.” ayuu raaciyay.

Hadalsame Media