Nin dowlad madax bannaan uga dhawaaqay Australia & jawaabta ay Dowladdu ka bixisay

0

(Hadalsame) 10 Agoosto 2019 – Leonardo Casley, waa nin beer wayn oo sareenku/qamadigu ka baxo ku leh dalka Australia.

Dhulka ay beertu ku fadhido waa 517 KM oo afar jibbaaran. Wuxuu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo dowladda Australia oo mamnuucday in qamadiga laga ganacsado.

Sanadkii 1970-kii ayuu ku dhawaaqay inuu ka madax banaanyahay Australia isaga oo beertiisa iclaamiyay in ay tahay dowlad madax bannaan.Si uu taas u caddeeyo ayuu beerta ku wareejiyay darbi weyn oo uu ka taagay calankiisa u gaarka ah.

Wuxuu daabacday lacag u gooni ah, warbaahinta gudahana wuu la hadlay isagoo isku magacaabay Boqor leonardo, xaaskiisana wuxuu u bixiyay Boqorad charlie.

Sanadkii 1977 ayuu dagaal ku iclaamiyay dowladdii Australia balse ciidankii Australia ma aysan soo xaadirin goobtii dagaalka.

Maadaama ay dagaalkii Australia ka baaqsatay wuxuu guushiisa ku shaaciyay warbaahinta gudaha.

Waxaa Diyaariyay: Aqwaan Xasan Jidhi

Hadalsame Media