3 arrimood oo aad maalin kasta samayn kartid si aad u hesho KELYO caafimaadsan

0

(Hadalsame) 10 Agoosto 2019 – Seddax Waxyaabood Oo Aad Maalin waliba sameyn kartid si aad u heshid keliyo caafimaad qaba:

1. Aaalamiito joogta ah
Daraasad cusub ayaa heshay in dadka mudda dheer fadhiya, islamarkaane aan sameyn aalamiito joogta ah, in ey u nugulyihiin xannuunada ku dhaca kelyaha.

Aalamiitada waxa ey kordhisaa dhiigga gaaraya xubnaha jira oo ey kelyuhu ku jiraan, sidoo kale waxey yareysaa aalamiittada cuduradda dhiigkarka iyo sokkorta, labadaas oo ah sababaha ugu weyn ee cuduradda ku dhaca kelyaha.

2. Isku day in aad ku daaweysid xanuunada yar yar waxaan daawa aheyn(xanuun baabi yaal aheyn)
Daawooyninka xanuun baabi’yaasha sida, Ibuprofen, Naproxen iyo Aspirin ka waxey waxyeelleeyaan kelyaha haddii si joogta ah loo isticmaalo. sidaa awgeed isticmaal masaajeyn meesha ku xanuuneysa iyo wax qabow la saaro haddii aad madax xanuun dareentid, ama wax cun haddii baahi ey jirto waxna cab haddii aad oon daremeysid.

3. Akhri awaamiirta (warqadaha la socda) daawooyinka iyo raashinka.

Raashinka macdanta sodium ka loo yaqaano ey ku badantahay waxa ey badiyaan dhiig karka,rashainkaas waxaa ka mid ah:

Raashinka gasaceysan sida farmaajada la kariyay, chips ka iyo hilibka la qaboojiyay. Si la mid ah raashinka macdanta phosphoruska ku jirto. Sidoo kale akhri warqadaha la socda daawooyinka aad qaadaneysid, si aad u ogaatid inta sodium oo ku jirta.

Waxaa Diyaariyay: Cabdulqaadir M Cabdullaahi

Hadalsame Media