DAAWO: ”In Xisbiga Waddani ”Soomaaliwayn” lagu tilmaamo yay wax u dhimaysaa?!!” – Xisbiga Waddani oo furka xooray!

0

(Hadalsame) 05 Agoosto 2019 – Khadar Xuseen Cabdi, Xoghayaha Guud ee Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa ka jawaabey eedo kaga imanayay maamulka Somaliland, kuwaasoo ay xitaa ku jireen dhaliil uu Wasiirka Warfaafintu u jeediyay qaab lebbiska Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani Md Cirro.

Md Cabdi ayaa aad u dhaliilay dulqaadka MW Somaliland iyo hab-dhaqanka Wasiirkiisa Warfaafinta oo uu ku tilmaamay mid shaqadiisii gabay, balse cayrsanaya madaxdii axsaabta Somaliland.

”Madaxtooyadii Somaliland maanta waxaa fadhiya nin dulqaadka doqonnimo u yaqaanna!” ayuu yiri Khadar Cabdi oo sheegay inay Somaliland ku socoto jid kali talisnimo oo dhib badani ka dhalan karo.

”Ilaahay baa dulqaadka isku amaanay, annagana miskiin yar oo intan yaree Somaliland xukuma oo daalaa dhicisii la arko, ayaa yiri ”dulqaadku waa doqonnim.” ayuu daba dhigay Khadar.

Xoghayaha ayaa soo jeediyay in jabhadda Caarre wada xaajood lagu wajahaa, isagoo sidoo kale sheegay in ciidanka aan qabaa’illo loo kala saarin.

Wuxuu kaloo aad u dhaliilay kelmadda ah ”Xisbiga Waddani waa Somaliland”, taasoo uu sheegay inay kaliya daciifin doonto qaddiyadda Somaliland.

Hadalsame Media