Wargayska The Star oo kashifay cidda gadaal ka hagaysa ”Qaraxyada Somalia” & danta ay leedahay (DF maxaa la gudboon?)

0

(Hadalsame) 05 Agoosto 2019 – Soomaali badan ayaa aaminsan in qaraxyada laga fuliyo Somalia ay maal geliyaan dalal badan oo dano kala duwan ka leh dalka, halka qolyaha diinta sheeganayaa ay kaliya yihiin rag dalalkaa oo khayraadka Somalia u haliilaya iskuna hasta u diran, xitaa haddii aysan qaarkood ogayn ama ku baraarugsanayn arrintaas.

Kaddib soo shaac bixii codkii uu faafiyay New York Times 22-kii Luulyo ee ku saabsanayd rag sare oo Qadari ah oo ku sheekaynaya inay saaxiibadood fuliyeen weerar argagixiso oo Maajo ka dhacay magaalada Boosaaso ”si Imaaraadka looga eryo Somalia” waxaa sii kordhay tuhunka Soomaalida.

Sheekada New York Times ayaa suubbis uun u ah shaki badan oo ku jira Soomaalida. ”Marka aad eegto dadka iyo goobaha qaraxyada lala beegsanayo waxaa kuu xaqiiqoobaysa inay wadaan cadow dagaal cad kula jira Soomaalida.” ayuu yiri nin oday ah oo deggan magaalada Muqdisho oo magaciisa qariyay.

Tusaale, bishii Juun oo qura waxaa dhacay 3 weerar oo waawayn oo ka kala dhacay Muqdisho iyo Kismaayo, waxaana ku dhintay dad muhim u ahaa Soomaalida sida Guddoonkii Gobolka Banaadir Marxuum Yariisoow iyo Hodan Naalleeye AUN oo ay wehliyaan dad kor u dhaafaya 50 qof oo ay ku jireen ilaa 3 Guddoon Degmo.

HAGARTA CAALAMKA

Waa sanadii 12-aad, caalamkuna wuxuu howlgalka Midowga Afrika ku bixiyay malaayiin doollar, taasoo ilaa xad wiiqday kooxda Shabaab.

Ha yeeshee, Ciidamada Xoogga Somalia (SNA) ayaa weli ah mid daciif ah, qaybsan, aan mushahar helin ama aan mid ku filan helin, isla markaana aan qalabaysnayn oo niyad jabsan.

Xaqiiqdii, cududo shisheeye abidkood sooma celin karaan nabad buuxda, iyadoo aan la helin ciidan Soomaaliyeed oo qalab iyo xirfad leh, isla markaana waddani ah.

ARGAGIXISADA IYO KHAYRAADKA

Sida uu qorayo warqaadka The Star, haddii si deggan loo eego kalama haraan dalalka leh khayraadka dabiiciga ah sida macaadinta iyo saliidda iyo kooxaha xag-jirka ah.

Tusaale, eeg dagaallada iyo argagixinta laga abaabuley dalal Afrikaan ah — Nigeria, Mali, Congo, Central African Republic, Somalia, Libya, Sierra Leone iyo Angola. Waa dalal khayraad badani ceegaago.

Tani ma noqon karto wax iskaga dhacay qaab nasiib ah (coincidence). Gacan ka hadalka iyo xag-jirnimadu waxay u muuqdaan inay daba socdaan saliidda, gaaska, dheemanta, maarta iyo macaadinta kale ee muhimka ah, ayuu leeyahay wargayska The Star ee dalka Kenya.

Wargayska ayaa sheegay in DF Somalia ay ku mashquulsan tahay sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd doorashada Jubbaland.

Dhib kuma qabno inay ka taliyaan dhamaanba gobollada federaalka ah, balse sida hubban, haddii aysan Muqdisho oo qura meel saari karin, sidee dalka oo dhan u xasilin karaan? ayuu is waydiiyay qoraagu.

Haddii ay gabari qarax lasoo gashay hoolkii shirarka iyadoo soo dhaaftay dhamaanba lakabyadii amaan, isbaarooyinkii, askartii hubaysnayd iyo xayndaabyadii, si ay Duqii Magaalada iskugu qarxiso, maxaa haray oo aysan samayn karin argagixisadan aan qalbiga lahayn ee gacanta ka helaya awoodo shisheeye iyo rag ku jira DF Somalia? Ayuu is waydiiyay.

Mana aha markii ugu horreeysey iyo markii 2-aad ee ay gabari wax qarxiso, waayo Wasiirkii Hore ee Arrimaha Gudaha gabar ayaa qarax ku dishey 2011. Waxay gabar kale sigtay Wasiirkii 1-aad ee Somalia Gaas iyo Wasiirro la socdey, balse waxay dishey madaxdii xiriirka ciyaaraha iyo xildhibaanno.

Dadka Soomaaliyeed haatan waxay ogyihiin inuu dalkooda ka soconaya dagaal wakaaladeed salka ku haya dano shisheeye oo khayraad doon ah, balse Somalia madaxdeedu waa inay ku dadaalaan dhismaha iyo isku toosinta dalkooda.

Ilaa iyo inta dadkii Soomaaliyeed loo laynayo sidii ayaxii, kuwaasoo ay ku jiraan qaar ka tirsan madaxdii, runtii waxaa jirta xasarad u baahan xal deg deg ah, ayuu qoraalka kusoo koobay The Star.

Hadalsame Media