CEEB: Ciidamada DF Somalia oo hal arrin uga xumaaday kooxda Al Shabaab, Warbixin kasoo baxday QM

0

(New York) 02 Luulyo 2019 – Ciidamada Dowladda iyo kooxda xag-jirka ah ee Al Shabaab ayaa la sheegay inay gaysteen tacaddiyada ugu badan ee carruurta lagula koco, sida uu sheegay Xoghayaha Guud ee QM.

Somalia ayaa haatan noqotay dalka ugu horreeya dhanka carruur askaraynta, iyadoo sanadkii tegey oo qura la diiwaan geliyay 2,300 oo kiis.

Kufsiga loo gaysto carruurta ayay sidoo kale Somalia uga sara martay dhamaanba 20 dal oo ay ka socdaan dagaallo hubaysan, sida uu sheegay Antonio Guterres oo soo daliishadey 331 kiis oo kufsi iyo tacaddi caruureed ah.

Somalia ayaa sidoo kale kaalinta 1-aad ka gashay carruurta la afduubto 2018. Waa in ka badan 1,600 oo kiis oo ka dhacay Somalia — taasoo 4 jeer ka badan lambarka laga diiwaan geliyay DR Congo, oo ah dalka Somalia kusoo xiga.

Meel ka dhacyada ugu badan ee carruurta loo gaystey waxaa ku kacday kooxda al-Shabaab, sida uu sheegay Mr Guterres waxay kooxdani dishey ama jirkooda qayb ka mid ah jartay 437 wiilal iyo gabdho ah sanadkii tegey oo qura.

Balse ciidamada DF Somalia ayaan dhib yarayn — Waxaa loo tirinayaa 113 kiis oo gaysteen Ciidamada Xoogga iyo 26 loo haysto Booliiska. AMISOM ayaa dishey ama dhib u gaysatey 15 carruur ah sanadkii tegey.

Dhanka kale Ciidamada DF ayaa askareeyay 248 carruur ah, balse waxaa rikoodhka jebisey kooxda Shabaab, taasoo askaraysay 1,865 carruur ah, sanadkii tegey oo qura.

‘CEEB’

Ciidamada Xoogga & Booliiska DF Somalia ayaase dhanka kufsiga carruurta uga daran kooxda Al Shabaab. Tusaale ahaan kuwa dowladdu waxay gaysteen 63, halka Shabaab lagu eedeeyay 46 kiis, sida ay sheegayso warbixinta QM.

Guud ahaan, carruurta Soomaaliyeed ee uu cunfigani saameeyay waxay kordheen 23% marka loo eego sanadka warbixintan QM la diyaariyay midkii ka horreeyay ee 2017-kii.

Hadalsame Media