”Subaxa koowaadba indhaha soo caddee Soomaali laguma maamulo!!” – Maxaa kala qabsaday Jaamac & Jimcaale

0

(Hadalsame) 02 Agoosto 2019Waa sheeko yar balse micne wayn xambaarsan ee ka bogo.

Jaamac: Ninka cusub ee madaxda la idiinka dhigay, maxaad ku nacday Jimcaale?

Jimcaale: ”Ma nicin. Laakiin isagaan u baqayaa oo maamulka wuxuu u yaqaan in qalad la saxo keliya. Subixii uu wax qaldan waayo inuu shaqeeyey isuma haysto.

”Marka waa inuu dadka ku dhex wareegaa oo wax qaldan iyo qof meel iska fadhiya ama xoogaa soo habsaamay raadsadaa. Subax walba muran ayuu ku jiraa oo caafimaadkiisaanba u baqayaa.

Jaamac: ”Maxaad rabtey inuu sameeyo?”

Jimcaale: ”Maalmaha ugu horreeya bal inuu horta meesh la qabsado, dadka ay is bartaan, qoraallada iyo sida loo shaqeeyo si fiican u akhriyo, sidii uu rabo in loo dhaqmo uu dadka ficil ahaan u tuso si loogu daydo.

”Markaas hadduu waa dambe xanaaqo, dadku xanaaqiisa waa ixtiraamayaan laakiin subaxa koowaadba indhaha soo caddee Soomaali laguma maamulo.”

Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media