DAAWO: ”Waxaan ogahay sababtii loo diley Hodan Naalleeye!” – Musharrax ka hadlay wixii uu kusoo arkay Kismaayo

0

(Nairobi) 01 Agoosto 2019 – Musharrax lagu magacaabo Maxamed Cali Yaroow oo ah musharrax u taagan xilka Madaxtinnimada Maamulka Jubbaland ayaa ka sheekeeyay wixii kala soo kulmay magaalada Kismaayo oo uu dhowaan tegey.

Wuxuu sheegay inuu Kismaayo tegey 20-kii bishan, isagoo tilmaamay in loo diidey taageerayaashiisa iyo gawaaridii ay wateen inay garoonka kusoo dhoweeyeen, iyagoo halkaa kasoo lugeeyay.

Wuxuu kaloo sheegay in uu markale isku dayay inuu hoteelka kula kulmo taageerayaashiisa, balse ay misna kala cayriyeen ciidamo uu leeyahay MW Axmed Madoobe.

Wuxuu ka hadlay kulan uu la yeeshay Axmed Madoobe laftiisa, balse loo sheegay in meeshan aanu joogi karin qof aan Axmed ka dambaynin, xitaa Suldaankiisiina la celiyay.

”Waxaan la socdaa in maalmihii ka horreeyay dilkeeda ay Hodan Naalleeye duubaysay dokumenteri ku saabsanaa carruurta la askaranayo!” – ayuu yiri, waloow uusan caddayn keenin.

Hadalsame Media