Laba laacib oo cusub oo AC Milan kusoo biiraya berri & saadambe (Kuwo kale oo tababarka kusoo noqonaya)

0

(Milano) 29 Luulyo 2019 – Rafael Leão ayaa usii dhowaanaya inuu xirto funaanadda kooxda AC Milan.

Laacib yarahan reer Portuguese ee weerarka ka dheela oo dhashay 1999, ayaa sida uu qorayo MilanNews.it wuxuu berritoole usoo duulayaa Talyaaniga si uu caafimaadka u maro.

Laacibkan ayay Milan waxay Lille, ka siisatay guud ahaan 35 milyan oo euro, si uu u bedelo laacibka ka baxay waaxda weerarka Rossoneri ee Patrick Cutrone, oo u duulay caafimaadka kooxda Wolverhampton ee EPL.

Leão ayaa 8 gool ka dhaliyay Horyaalka Faransiiska oo uu ku biiray fasal-ciyaareedkii tegey, balse waa laacib sidoo kale ka dheeli kara kaaliye weerar iyo xitaa garab-weerar.

Sidoo kale Sportmediaset, ayaa qoraya in uu Arbacada Milan kusoo wajahan yahay daafaca Leo Duarte oo ay Milan 11 milyan oo euro kasoo siisatay kooxda Flamengo. Macallinka kooxdaasi ee Jorge Jesus ayaa xaqiijiyay inuu laaciibku Milan ka aadayo kooxa Rio de Janeiro.

Dhanka kale Milan ayaa Sabtiga la ballansan kooxda Manchester United oo ay isku arkayaan magaalada Cardiff, meeshana lagama saari karo inay kulankaa ugu yaraan kaydka kasoo muuqdaan labada laacib ee Leo Duarte iyo Rafael Leão oo Milan ku imanaya isu gayn ahaan a total €41m oo euro.

Warsidaha Corriere dello Sport ayaa isna cadadkiisii maanta ku xusay in ay berri tababarka kusoo biirayaan laacibiinta kala ah: Lucas Paquetá (oo durba Milano kasoo degey), Diego Laxalt iyo Frank Kessie.

Hadalsame Media