YAAB! Meere 3 qorrax leh oo laga helay meel aan nisbi ahaan dhulka ka fogayn!

0

(Cappe Canaveral, FLA) 28 Luulyo 2019 – Koowkab 3 qorroxood leh oo dhowaantan lasoo helay ayaa xiise gelinaya culimada sayniska oo doonaya inay daraasadeeyaan meerahan oo dhulka aad ugu dhow, iyagoo ka baadi goobaya nolol dhulka ka baxsan (extraterrestrial).

Meerahan oo loogu wanqalay magaca LTT 1445Ab wuxuu dhulka u jiraa fogaan dhan 22.5 sanad-ilays, waxaana lagu ogaadey xog uu ururiyay satellite wax sahmiya oo ay NASA leedahay oo la yiraahdo Transiting Exoplanet Survey Satellite (TESS), kaasoo sahmiya meerayaasha dhulka ka baxsan.

Meerahan ayaa wuxuu ku wareegaa hal mid oo ka tirsan 3 qorroxood oo cillan ah oo uu leeyahay, taasoo uu kusoo wareego muddo 5 maalmood ah.

Waxaa la rumaysan yahay inuu 3 jeer ka wayn yahay dhulka, isla markaana uu 8 jeer cuf ahaan ka culus yahay dhulka, halka uu heer-kulkiisu yahay 160 digrii Celcius ama 320 digrii Fahrenheit.

“Marka la eego hawada dhulkan waxaa dul heehaabaya 3 qorroxood, yeelkeede, laba ayaa aad uga fog,” ayay tiri  Jennifer Winters oo daraasadda wax ka qortay oo u warrantay New Scientist. “Waa sida laba indhood oo cas cas oo aan falxad ahayn oo cirka kasoo jeeda.” ayay raacisay.

Hadalsame Media