GALAL HORE: Hab-raacii adkaa ee Sirdoonkii hore ee Somalia (Qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 26 Luulyo 2019 – Aad ban ugu faraxsanaa sirdoonkii hore ee somaaliya kalsonida aan u hayay waligay u haynmayo sirdoon kale oo adduunka soo mara.

Sarkaal ka tirsanaa hay’adii sirdoonka soomaaliyeed Sanadkii 1976-kii Ilaa 1991-kii hawlgalo sirdoon oo aad u muhiim ahaana ka qeyb qaatey ayaa ka hadley waxyaabahihii ugu muhiimsanaa ee uu xasuusto waxuuna yiri:

Sanadkii 1985-kii ayuu taliskii Nabadda Qaranku ii diray safar shaqo oo aad u qalafsan inaan ku aado dalka Itoobiya, si aan Dad qiime u lahaa taliskii itoobiya ciidda ugu daro, ma ahayn markii ugu horaysay ee la ii diro Itoobiya dhawr jeer ayaan magac dul saar ah ku tagay laakiin markan waa ka duwanaa oo saraakiil Soomaaliyeed oo dalka ka baxsaday ayaa itoobiya lasoo saftay dagaalkii ay nagula jirtay.

Haddaba si aan Adis-Ababa u tago ayaa waxaan qorsheystay inaan marka hore tago magaalada Lagos ee dalka Nayjeriya kadibna aan u dhoofo wadanka Hungary oo khaarada yurub ku yaala halkaas ayaana aheyd halka dalka itoobiya aan ka aadayey.

4M Hoteel la yiraahdo oo ku yaalla magaalada Budabest caasimada dalka Hungary ayaan u hoyday, subaxdii hore ayaa waxaa la igala soo hadlay qeybta soo dhawaynta waxayna ii sheegtay adeegto joogtay halkaas inuu i doonayo nin la yiraahdo Ibnu Idlib, shaki wayn ayaa i galay.

Waxaan u diyaar garoobay inuu dhici karo fal danbiyeed la igu khaarajin karo, xaashi ama waraaq yar ayaan ku qoray Telefoonka Taliyahagayga Xamar jira xafiiskiisa waxaana saaray sariirta dusheeda, si haddii la ii khaarajiyo ay ciidanka nabad galyada dalka Hungary ugu yaraan ula xariiraan Xafiiskaas kadibna warka geeridayda u gaaro dhulkaan u dhaartay inaan u dhinto ee soomaaliya.

Intaanan qeybta hoose ee hotelka soo wada gaarin ayaan dabaqa labaad kusoo hakaday si aan aragti buuxda uga qaato qaybta hoose, nasiib wanaag waxay Indhahaygu durba soo qabteen Gaashaanle sare C/Xamiid Xaraaq oo ka mid ah Saraakiisha laf dhabarka u ah Adeegga nabad sugidda dalka Suuriya sanad ka horna aan marti ugu ahaa Xafiiskiisa ku yaalla meesha la yiraahdo Kafarsuusa, ee magaalada Dimishaq.

Salaan aan magac la isugu yeerin kaddib ayuu yiri waa aniga Ibnu Idlib xabad sigaara intuu shittay anigana mid ayuu igu maamuusay waxaan u gartay in aan dibadda uga baxno hoteelka, waxaan ku iri aan qolkayga mar kaliya ku noqdo, banaanka ayaan kugu sugayaa ayuu ii raaciyay, waraaqdii aan ku qoray Nambarka Taliyahayga ayaan soo jeex jeexay si ayna qolyaha nadaafaddu u arkin oo aan qabo badankood inay yihiin indho dawladeed, kadibna dag dag ayaan usoo dagay.

Waxaan tagnay Safaaradda Suuriya waxaan isku aragnay rag dhawr ah oon Shaam isku shaqa baranay, waxaa durba la ii dhiibay liis ay ku qoran yahiin dhawr nin oo ka mid ahaa Laanta Nabad Suggidda Soomaaliya, raggaas waxay Suuriyaanku heleen war bixinno lagu kalsoon yahay oo caddaynaya inay Sirta Qaranka Soomaaliyeed siiyaan Itoobiyaanka una Marsiiyaan Saraakiil ka tirsan Ergada Masaarida ee magaalada Muqdisho jooga, waxaan fadhigaas kaligay gaaray go’aan ahaa inaan muqdisho dib ugu noqdo iskana iloobo Itoobiya iyo dhoofkeeda.

La soco qaybta 2-aad…

Xigasho: F. Xiirane sarkaal hore oo ka tirsanaa sirdoonka soomaliya

W/D: Jamaal Ismaaciil

Hadalsame Media