Mezut Ozil oo cabsi la gariirey markii TOORREEY lagu weeraray & laacib Arsenal ah oo geesinnimo muujiyay + Sawirro

0

(London) 25 Luulyo 2019 – Jookarka Arsenal ee Mesut Ozil ayaa ka badbaaday weerar gaariga looga dhici lahaa oo ka dhacay jid ku yaalla magaalada London kaddib markii uu galabta weeraray nin toorreey ku hubaysani.

Laacibkan oo £300,000-todobaadkii ka qaata kooxdiisa, ayaa wuxuu weerarka la kulmay jeer uu gaarigiisa madoow ee ah nooca Mercedes G-Class 4×4 uu ku watey jid ku yaalla Golders Green.

Yeelkeede, xilli ay tuugadu gaariga ku hareereeysan tahay, waxaa mar qura si geesinnimo leh ugu soo baxay wiilka ay ilaa carruurnimadii saaxiibka ahaayeen ee Ozil isku kooxdana ay yihiin ee Sead ‘The Tank’ Kolasinac.

Wixii markaa ka dambeeyay waxaa la sheegay in Ozil uu cagaha wax ka dayay isagoo galay makhaayad goobta ka dhowayd oo laga cunteeyo, waxaana la arkayay 30-jirkan oo ”cabsiyi ka muuqato.”

Waxaa muuqaalka laga arkayaa laacibka Bosnian-ka ah ee Kolasinac oo wajahaya mid ka mid ah burcadda oo aan wejigiisa laga arki karin koofida shilalka oo uu xiran yahay.

Hadalsame Media