Ujeedka Mbeki Muqdisho keenay 40 sano kaddib & af-celintii uu kala kulmay DF Somalia

0

(Muqdisho) 24 Luulyo 2019 – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku gacan seyray qorshihii uu waday wafdigii Afrikaanka ahaa ee Muqdisho yimid ee uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore ee South Africa.

MW hore ee Thabo Mbeki ayuu qorshahoodu ahaa in ay wada hadal ku dhameeyaan xiisadda badda ee ka dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya oo uu abuuray maamulka Nairobi oo marar badan muujiyay inaysan dow iyo diblomaasiyad cad ku socon.

Mbeki waxa uu horey u soo maray Kenya, isagoo la soo kulmay Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Wasiirrada dalkaasi.

Yeelkeede, wuxuu MW Farmaajo Mbeki u sheegay in arrinta badda aan gorgortan laga geli karin, balse Soomaaliya ay ogoshahay in Kenya ay kula noolaato deris wanaag si xiriirka labada waddan loo wanaajiyo, laakiin go’aanka kama dambeysta ah laga sugayo Maxkamadda ICJ.

W/D:- Yaxye Yuusuf