BADMAAXII XARYANKU LA DEGEY: Sheeko aad ka baran karo erayo badeed badan (Qaybtii 3-aad)

0

(Hadalsame) 24 Luulyo 2019 – HadMaskii oo hadalkii sii wada ayaa yiri: “Hadda waxan warbixin kaa siinayaa jasiiraddaan, naftana farxad bey gelisaa inaad maqasho sheekooyin ashqaraar leh ka dib marka ay cabsi kula soo derestay kaa haaddo, waa hubaal inaad adiguna ka sheekeyn doonto markaad dhulkaagii ku noqoto oo Fircoonka hortiisa jilbajabsato, barbaariyahaaga iyo sareeyahaaga. Halkan ka akhri qaybihii 2-aad iyo 1-aad.

Wax ka ogow in walaalahay iyo carruurtayada aan ku noolnahay jasiiraddaan, tiradayadu waa 75 mas oo wax aan dhalnay iyo wax ay sii dhaleen isugu jira, waxa nagu soo biiray qof shisheeye ah, gaashaanti qurxoon bey ahayd, imaanshaheeduna yaab lahaa, waxase cirka kaga soo dhacay dab. ka dibna waxay noqotay dambas, adigase filimaayo in cirka danab kaaga soo dhacayo ka dib markii ay kula soo gudboonaadeen halis badan oo aad ka soo samatabaxday. Waxan ogahay haddii aad dhabaradayg aad u yeelato inta aad joogto jasiiraddaan in aad dhulkaagii ku noqoneyso nolol buuxdana heleysid xaaskaagii iyo caruurtaadiina ku qabaneyso gacmahaaga”

Intaan u foorarsaday maskii xushmo ahaan ayaan uga mahadceliyey ereyadiisii nafsad dejinta ahaa, waxaan ku iri “Dhammaan arrimihii aan kuu sheegay waa run, sida aad ii sheegtayna haddii ay dhacdo, Fircoon ayaan hor joogsanaya ugana sheekeynaya arrimahaaga iyo sida gobanimada leh ee aad iila dhaqantay. Waxan kuu keenaya saliidda barakeysan iyo barafuunno, sidoo kale fooxyada udugga badan ee lagu shido goobaha Ilaah lagu baryo, sidoo kale waxan uga sheekeynayaa ashqaraarka jasiiraddaan, waxaanna magacaaga ku qalayaa neef qiima badan. Fircoonna wuxu kuu soo dirayaa xaryan ay ka buuxaan walxaha ay Masar hodanka ku tahay si laguu maamuuso”

Boqrorkii maska ahaa inta hadalkaygii ku qoslay ayuu wuxu yiri “Runtii hodan kuma tihidin udugga, halkaan iyo jasiiraddaan waxa ka buuxa dhirta udugga ee ugu badan dhulka Bunt.
Keliya saliidda barkeysan ee aad xustay in aad ii keeneyso ayaa ku yar dhulkaan, waqaagase iima keeneysid oo marka aad ka tagtidi jasiiraddaan waa libdheysaa, mar dambena ma arkeysid, waase la ga yaabaa waa dambe in Ilaahyadu u soo saraan yarow aynigaaga oo kale ah”
Si barwaaqa leh ayaan ugu noolaa jasiiraddaas ashqaraarka. Sida uu saadaaliyey maskii afar bilood markey dhammaatay ayaan arakay xaryan dhankayga bad xawaal ah u soo socda, geed dheer intaan koray ayaan eegayey xaryanka iyo dadka la socda.
Markaan ogaaday in ay yihiin badmaaxyo reer Masar ah ayaan holliyey inaan maskii u sheego, haddana waxan soo xusuustay inuu masku sirridaari lahaa oo wax kastaba ogaa, wuxuna yiri “Nabaadiino yarowga geesiga ahow, dhulkaagii tub ku joog nabadeed, ducadayduna waa kula jirtaa” Markaan xushma ahaan u foorarsady hortiisa oo u mahadceliyey ayuu wuxu i siiyey hadiyado ka koobnaa barafuunno udgoon oo lagu diimo, qoryaha udgoon, indhakuul, dayibka, fooxa, fool maroodi, iyo walxo kale oo mar la arag ah.
Markaan xaryankii fuulay oo dhaqaaqnay jasiiraddii waa naga sii fogaaneysay, isla markiiba gabbalkii ayaa dhacay, markii uu kaaha dayaxu soo baxay jasiiraddii waa libirtay, keliya waxan arkeynay hirarka badda oo isku dhacaya.
Waxan u shiraacannay woqooyi ilaa aan Masar ka gaarnay bishii labaad, lama degaanka ayaan ka soo gudbay ilaa aan imi Tebis. Sarreeyoy waxan kaa codsanayaa inaad Fircoonka ii geysid si aan hortiisa uga sheego sheekooyinkayga biimada ah, hadiyadahaan aan ka wado boqorkii maskana ee Bunt aan u siiyo, uguna codsado inuu naakhuude iiga dhigo xaryanka boqorka ka dibna aan dib ugu noqdo dhulkii Bunt iyo badweynta.
Sarreeyihii ilaalada kuudda si kal iyo laab leh ayuu u qoslay codkana inta kor u qaaday wuxu yiri “ Ama aan rumeysto ama yaanan rumeysan sheekadaada biimada ah, waxan hubaa in ay farxad gelineyso kasha Fircoonka, nolol, fayoobi iyo lixaadba ha helee, sidaas darteed ina keen haddaba, hubaal inaad heleyso abaalmarin sarreysa, sidoo kale aniga kuu geeyeyna aan abaalmarin helayo, marka aad Fircoonka u sheegto sheekadaada ashqaraarka iyo xalladda leh”
Yarowgii waxa la horgeeyey Fircoonkii Ilaaha wanaagsanaa ahaa ee Ameen Em Xet, aadna uga helay uguna bogay sheekada badmaaxii xaryanku la degay, wuxuuna faray madaxa diiwaangelinta boqortooyada Ameni Amen in lagu qoro caleemaha berdiga (papyrus) oo ilaa maanta ay sheekadaani ku qoran tahay oo laga akhristo, afaf badanna loo tarjumay.

Dhamaad

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Cabdullaahi Jaamac

Hadalsame Media