Sababta uu Boris Johnson oo asal ahaan fir Muslim kasoo jeeda uu uga HALIS badnaan karo Ingiriiska dhaladka ah!

0

(London) 24 Luulyo 2019 – Nin awoowayaashii Muslimiin ahaayeen, hadana Muslimiinta aad uga soo horjeeda, oo loo doortay Raysalwasaaraha UK.

Boris Johnson ayaa loo doortay hoggaamiyaha xisbiga Tory-ga ee UK xukuma. Taaso ka dhigaysa inuu noqday Raysalwasaaraha cusub ee UK. Boris waxa uu horay usoo noqday maayarka magaalada London iyo wasiirka khaarajiga ee dalkaas.

Waa siyaasi cunsuriyadda lagu tirsho. taabacsanna afkaaraha midigta fog. Aadna u neceb dadka madow. Aad uga soo horjeeda dadka lagatirada badan yahay sida Mulslimiinta iyo qolyaha LGBTQ. Waa nin in badan u dooda in UK ka baxdo Midowga Yurub.

Boris waxa uu ku dhashay New York. Aabihiis waxa uu ahaa xildhibaan Midowga Yurub ah. Marka asaliyaddiisa loo laabto waa Turki. Awoowgiis labaad Ali Kemal ayaa mar kamid aha wasiirradii arrimaha gudaha ee boqortooyadii Cusmaaniyadda.

Ali Kemal waa la dilay, waxa uuna ku dhintay dagaalkii turkida ee lagu jabshay cusmaaniyadda. Mid kamida wiilashii uu dhalay oo la oran jiray Osman Kemal oo UK soo galay lana baxay magaca Wilfred Johnson ayaa dhalay aabaha Boris Johnson ee Stanley Johndon.

Boris awoowayaashi waxa ay ahaayeen muslimiin hogaamin jiray Cusmaaniyadda. Maanta isaguna waa hogaamiyaha UK. Balse aad uga soo horjeeda dalkii awoowayaashii ee Turkiga. Saaxib dhowna la ah Trump oo aad ugu farxay guusha Boris.

Boris waxa uu maanta sheegay inuu u tafaxaydanayo sidii ay UK uga bixi lahayd Midowga Yurub. Ugu dambaynna bisha tobonaad ay ku huleelayaan. Siyaasigan ayaa saaxib dhow la ah hogaamiyaha Israel ee Netanyahu.

FG: Marka dhanka cilmi nafsiga la aado, marka uu qofku kasoo jeedo dad, balse uu aaminsan yahay aragti kasoo horjeedda qolada uu kasoo jeedo, wuu mararka qaar ka halis badnaan karaa dadka dabiiciyan u aaminsan aragtidiisa, waayo intaa wuxuu isku deyayaa inuu dadka u caddeeyo sida uu u neceb yahay qolada uu kasoo jeedo (self-hater).

Xigasho: Maxamuud Daahir

Hadalsame Media