DAAWO: Weriye Sucuudi ah oo bahdilkii ugu xumaa loo gaystey mar uu isku dayay inuu galo Masjidka Al-Aqsaa (Muxuu yahay maxaase lagu maagay?)

0

(Quddus) 24 Luulyo 2019 – Gayfane saxaafadeed oo Sucuudiyaan ah oo la yiraahdo Moxamed Sacuud, oo booqasho ku tegey Israel isagoo ka mid ah wefdi ka soda saxaafadda Carbeed qaarkeed ayaa si xil leh looga soo eryey qaybta qadiimiga ah ee magaalada Quddus iyo Masjidka Al Aqsaa, iyadoo ay Falastiiniyiintu ka xumaadeen inay halkaa ku yimaado booqasho ay usoo ducaysey dowladda Yuhuuddu.

Muuqaal laga duubay ayaa muujinaya Sacuud oo ah arday dhigta Kulliyadda Qaanuunka ee jaamacad ku taalla caasimadda Sucuudiga oo la aflagaadaynayo laguna candhuufayo iyadoo ay ciyaalku bari iyo galbeed uga imanayaan.

Ninkan ayaa ka mid ah wejiyada Carbeed ee ay Israel ugu dugaalayso qaab ay si fudud ugu soo xaluulato Carabta iyadoo aan ka tanaasulin haysiga dhulka Falastiin iyo ajeendeheeda Israel Wayn oo ay ku jirto in la sii qabsado ama ugu yaraan si dadban loo xukumo Carabta iyo Muslimiinta, taasoo ay tooshka u sidaan madaxda Khaliijka horseedkoodu.

Waxaa xusid mudan in ay tahay markii ugu horreeysey ee uu abid weriye Carbeed booqdo Masjidka Al-Aqsaa Mosque, markanna waa booqasho ay soo abaabushay soona ogolaatay dowladda Israel oo ka dhisan dhul ay ka xoogtey reer Falastiin.

WARAYSI HANTAATAC AH!

Dadka ninkan ku candhuufayay waxyaabaha ugu waawayn ee ay ka caroodeen waxaa ka mid ah in mar uu waraysi siinayay “warbaahinta Israel ee af Carabiga ku hadasha” uu Moxamed Sacuud u sheegay “idaacadda Galatas” ee Israel leedahay in “dadka Yuhuuddu ay u egyihiin dadkiisa oo kale.” “In dadka Israeli-ga ihi ay yihiin qoyskiisa oo kale,” isagoo muujiyay “jacaylka uu u qabo dowladda Yuhuudda iyo inuu booqdo Quddus iyagu xukumaan.”

Ninkan daba-dhilifka ah oo sheegta inuu yahay gayfane saxaafadeed ayaa ka mid ahaa 6 weriye oo Carbeed oo ay casuuntey Wasaaradda Warfaafinta Yuhuudda.

Raggan ayaa ka qayb galay munaasabad lagu maamuusayay gubitaankii Yuhuudda ee Jarmanka, waxay tageen Aqalka Baarlamanka Knesset-ka oo ay xubnaha qaar si gaar ah ula kulmeen iyo meelo kale oo ka mid ah Quddusta la haysto. Waxay sidoo kale arkeen diblomaasiyiin Yuhuudeed.

Weriyeyaal u dhashay Falastiin iyo Ciraaq ayaa booqashadan aad u cambaareeyay, iyagoo wacad ku maray inay ciqaabi doonaan weriyihii halkaa booqda.

Hadalsame Media