”Waa dembiile!” – RW Hore ee Pakistan oo looga dhaartay in TV, qaboojiye & cunto gaar ah xabsiga lagu siiyo!

0

(Washington, DC) 22 Luulyo 2019 – RW Pakistan ee Imran Khan ayaa wacad ku maray in aan il naxariis leh lagu eegi doonin RW hore ee bilyaneerka noqday ee iminka ku xukuman 7 sanadood oo xarig ah musuq lagu helay dartii.

Imran Khan ayaa ku dhaartay in Nawaz Shariif uu iska illaawo cunto guriga lagu soo kariyo, TV iyo hawo xaaladeeye ama qaboojiye loo geliyo qolka uu ku xiran yahay.

Mar warfaafinta la hadlayay wuxuu sheegay in Nawaz Shariif, oo la xukumay bishii Dimseembar uu haatan ku raaxaysanayo nolosha iyadoo guriga looga keeno wax kasta oo uu dalbado, balse marka uu dalka kusoo laabto uusan heli doonin in si gaar ah loola dhaqmo ”si aan xaq darro looga gelin dadka reer Pakistan.”

“Marka aan laabto waxaan hubaal ka dhigayaa in qaboojiye iyo TV loo ogolaanin Shariif oo dembiile ah. Waa ogahay in Maryam Bibi [gabadha Sharif oo sidoo kale hoggaamisa Xisbiga Pakistan Muslim League] ay qaylin doonto, balse laga yeeli maayo,” ayuu yiri isagoo qurba joogta Pakistan kula hadlaya Washington.

Sharif oo lagu helay musuqa kaddib soo bixitaankii waraaqihii Panama ee 2016, ayaa ka mid ah dadka ugu taajirkan Pakistan, isagoo haysta lacag dhan $1.9 bilyan oo doollar.

Hadalsame Media