Aniga iyo Laba-xiddiglihii Itoobbiyaanka ahaa! (Sheeko xiise badan qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 22 Luulyo 2019 – Xarunta Waaxda Socdaalka ee Itoobbiya ee magaalada Addis Ababa, qofkii arkay ayaa wax ka oge, waxa ay ahayd meel kadeed badan, kolkii iigu dambaysay. Bishii Juun ee 2011 ayaa aan u tegay muraad ah muddakorodhsi dalkugal (Visa Extension). Tobankii subaxnimo iyo wax la jira ayaa aan xagga dambe ka galay saf aad u dheer oo bannaanka xarunta ka soo bilaabmay. Dadka safka ku jiraa ma ay hadal badnayn, hareerahana askar ayaa hore iyo gadaal u socotay.

Goor duhur dabadii ah, libdhaduna aad u kulushahay, ayaa aan gudaha u soo gudbay. Isla xilligaa, hawshii aan u socday fari kama qodna ee hadba xafiis ayaa mid kale ii sii dhiibaya. Safku sidii kolka hore la isugu xigay ayaa la isu daba taagan yahay, waxa se kolkan aniga igu soo xiga oo iga dambeeya nin Carab ah, baasaboor Sucuudi ahna gacanta ku sita.

Ninkaa waxa la socota gabadh Xabashiyad ah oo Af Carabi fiican ku hadlaysa. Safka hore uguma ay jirin ee waxa keenay nin askari ah, iyada oo aan qiyaasayo in dadkii bacadka taagnaa la soo dhaafiyey. Baasaboorka kolka laga tago, ninku waxa uu gacanta ku sitaa, oo aad weliba mooddaa in uu dadka tusayo fure ay ku qoran tahay VIP, bir dhalaalaysa oo ku xidhanna laga arki karo magaca Sheraton Hotel.

Markan, waxa aannu ku jirnaa xafiis kuraasi wareeg ahi taallo. Wareegga kuraasidu irridda ayuu ka bilaabmayaa, wax aan laba tallaabo ahayn oo dhanka kale ahna waxa fadhiya hal qof oo dadkaas oo dhammi saf ugu jiraan. Intii aannu wareeggaa ku jirnay, ayuu mar ila hadlay ninkii Carabka ahaa.

Hadal kale ima odhane waxa uu I wayddiiyey su’aal yar oo ah: “ma Soomaali baad tahay?” waxa aan ugu jawaabay: “haaye, adigu ma Carab baad tahay?” si aad mooddo in uu is yara kibrinayo ayuu iigu jawaabay: “anigu Sucuudiyaan baan ahay!” hoos baan u idhi, waa yeelkadaa, ka dibna waan iskaga sii jeestay.

Xafiiskaas kolkii aannu hawshayadii ka dhammaysannay waxa aannu u gudubnay mid kale. Xafiiskan dambe waxa fadhida gabadh hawlwadeen ah, hareerteedana waxa fadhiya sarkaal labaxiddigle ah, kaas oo wax hawl ah oo muuqata aan gacanta ku hayn. Gabadhan shaqadeedu waxa ay ahayd in ay qofka ka guddoonto warqad xafiiskii hore lagaga soo buuxiyey, ka dibna sawir ka qaaddo, dabadeed lacagta ajuurada ah ee laga rabo ka guddoonto, ugu dambaynna fiisaha ugu dhufato baasaboorka qofku wato. Lacagbixinta kolkii hawshu soo gaadhay, ayay tidhi: “waxa lagaa rabaa labaatan dollar.” Doollar aa? Yaab baa Alle ii keenay! “Oo sow tii la ii sheegay doollar in lagu adeegto in aan Itoobbiya laga oggolayn, kolkii aan xuduudka ka soo galayna la iga baadhay?” ayaa aan gabadhii wayddiiyey.

Hadal kooban ayay iigu sheegtay –in waxa keliya ee la iga qaban karaa lacag doollar ah tahay–haddiiba baasaboorkaygu ajnebi yahay, sida ay tidhi!
Kol haddii aanan xilligaa la joogo doollar wadan, meel dhow oo aan ka doonana aanan aqoon, waxa kale ee aan samayn karo ayaa aan wayddiiyey. Gabadhii waxa ay mar kale ku gaabsatay: “meesha aad ka keenayso adiga ayay ku jirtaa, waxa lagaa rabaana waa doollar uun!” waxa aan ugu jawaabay: “sidaasi xaq ma aha!” waxa ay tidhi: “Iminka haddii aanad haysan, berriba la kaalay, baasaboorkaagana ka tag!”

Waxaa Qoray: Maxamed Haykal Muxumed

Hadalsame Media