”Waxaan la jirnaa Ilhaan#” – Taageerada Ilhaan Cumar oo Twitter-ka qabsatay!

0

(Washington, DC) 21 Luulyo 2019 – Siyaasiyiinta, dadka caanka ah iyo gayfanayaasha u dooda xuquuqaha madaniga ah ee dalkaasi Maraykanka ayaa la saftay xildhibaanadda Ilhaan Cumar jeer uu Donald Trump isna sii amba qaadayo weerarrada uu ku qaadayo gabdhaha afarta ah ee kasoo jeeda dadka laga tirada badan yahay.

Jeer uu Arbacadii ka hadlayay isu soo bax olole doorasho oo ka dhacay Greenville, North Carolina, wuxuu Trump markale ku celiyay warkii uu Twitter-ka kusoo qoray ee ahaa “ku laabta meesha ba’day ee aad ka timaadeen” goortaasoo ay jamaahiirtu ku xadreeyeen, “Dib u celiya iyada!”, iyagoo ula jeeda Ilhaan, balse Trump ayaa dhowr ilbiriqsi dhegeysanayay isagoo la dhacsan oo aan aamusin.

Mar dambe oo la waydiiyay sababta uu falkaa u diidi waayay wuxuu ku dooday in uusan ”ku raacsanayn” arrintaa.

#Waxaan la ji8rnaa Ilhaan

Kaddib dibed baxaas ceeboobey ee Trump, Senatarka Bernie Sanders, oo ka tirsan Dimoqraadiga isla markaana Madaxwayne u sharraxan, ayaa soo tweet gareeyay taageeradiisa ku aaddan Cumar isagoo raacinaya hashtag la yiraahdo #IStandWithIlhan, oo kaalinta 1-aad ka noqday tweets-ka xilligan ka soconaya dalka Maraykanka.

Cayrsiga Trump ee afarta siyaasi Ilhaan Cumar, Alexandria Ocasio-Cortez, Ayanna Pressley iyo Rashida Tlaib ayaa lagu tilmaamay mid kasoo horjeedda wax kasta oo uu Maraykanku u taagan yahay, sida la yiri.

Hadalsame Media