Donald Trump oo aabbihii ka sheeegay BEENTII ugu waynayd

0

(New York) 21 Luulyo 2019 – Kallstadt oo ah magaalada sawirkeeda hoos ka muuqdo waxay ku taala dalka Jarmalka waana meesha uu labo goor si been ah Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u sheegay in aabahii uu ku dhashay.

Dadka baara taariiqda madaxda mareykanka ayaa sheegay in Donald Trump uu bishii Luulyo 2018 iyo bishii Abriil 2019 uu si cad u sheegay been ah in aabihii ku dhashay Jarmalka.

Kooxdan ayaa tilmaamaya in aabahii Fred Trump uu ku dhashay mareykanka balse awoowgii Friedrich Trump uu ku dhashay Jarmalka.

Trump awoogii ayaa Mareykanka u hijrooday 1885-KII isaga oo faqri iyo nolol adag ka baxsanaya.

Sanadkii 1905-tii ayaa loo diiday in uu Jarmalka ku laabto kadib markii la sheegay in qaban waayay shaqada ciidamada oo ay waajib ahayd in uu sameeyo qof kasta oo Jarmal ah.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media