Maxay tahay sababta loo xirey qayb ka mid ah jidka Afgooye (Waa arrin kaa farxinaysa)

0

(Muqdisho) 21 Luulyo 2019 – Warbaahinta qaarkeed u badan webab ayaa saakay qoraya in wadadii soo galaysay Muqdisho ee dhanka Afgooye dhagaxaan lagu xiray ilaa xaafada loo bixiyey Galmudug ee xaga Afgooye ka xigta Asluubta.

Waxay warbaahintaasi sheegayaan in DF Somalia ay halkaa u xirtey si la mid ah jidadkii horay loo xiri jirey.

Yeelkeede, sida ku cad xog hoose oo goobta ku dhow oo uu soo helay Hadalsame, waxaa jidkaasi laga xirey hal KM, iyadoo sidaa ku socon doonta oo marba KM la xiri doono.

Sabab? Ujeedku wuxuu yahay bilowga dhismaha jidka isku xiraya Muqdisho iyo Afgooye oo ay fulinayso sharikad Turki ah, isla markaana ay maalgelinayso dowladda Qadar.

Sida aannu ka helnay dadka degaanka ka ag dhow, qalabkii lagu dhisay ayaa maalmahanba lagu diyaarinayay Ex-koontarool, halka ay qaar kale weli yaallaan Dekedda Muqdisho, iyadoo ay qayb kale soo socoto.

DF Somalia ayay dadka qaarkood eedda saarayaan, maadaama aysan arrintan shacabka u sheegin.

”Maadaama laba jeeraba uusan qarsoomaynin jid la dhisayo, waxaa wanaagsanayd inay dadka ogaysiiyaan, si aan shacabka khalad loo fahamsiinin.” ayuu yiri Cabdulqaadir Kediye oo ku ag nool goobta dhismaha laga bilaabi rabo ee haatan la xirey.

Hadalsame Media